Tuesday 14 June 2011

Ciyaal-macno-malahdii Farmaajo oo soo Shaacbaxday; Suganayna in Dumarka Jaadka Gada iyo Kabo-caseeyayaashu Kursi ku Hayaan

MAHIGA: I SHOW U THE DOOR; GO HOME (AMERICA). U R A MOULDY CHEESE; NOT A BIG CHEESE
Muqdisho:- Fiicnaan lahaydaa inuu iscasilo markuu Xamar ka degeyba. Isagoo murtad ah; Maraykana kaga hadlay wixii la ogaa baa waxaa soo maray fursad uu ku khaldi karay shacabka Soomaaliyeed; dhulkana la goyn lahaa labada Shariif isagoo horay usii maran karay! Annagoo rabnna in seddexda ninba is raacaan baa loo ishaaray in saacadduu Xamar ka soo degayba is casilo! Hadduu saas yeeli lahaa buuqii labo maalmood ahaa arrintu waa ka badan lahayd. Waxaa gadoodi lahaa ciidamada kala jooga Gedo iyo Galgaduud; marka gaaladu waa ka shallaayi lahaayeen!
Sidii loo lahaa waa is casilayaa markuu Kampala ka soo noqday baa la arkay isagoo lagu khiyaamay in loo diro dumarka jaadka gata, Xaad, iyo carruur dabadeedna dad qurbaha jooga la soo xireen buuba isu qaatay inuu cirka iyo dhulka kala hayo! Ma ogaba nimakuu la shaxayaa inay yihiin labo murtad oon iyagoo kale horay loo arag! Shariif sheekh Axmed laga soo bilaabo Shabaab, Midowgii Maxkamadaha, Asmara, kooxdii Jabuuti, Doofaarray, Cumar C/Rashiid, iyo Farmaajo buu soo khiyaamay. Shariif Sakiinna uma baahna “tacriif”.
Marka Farmaajo waa ninka isu qaatay inay kursi u hayn karaa haweenka jaadka gada iyo ciyaalka kabaha caseeya! Waxaa u been guuray Tarsan oo mindhaa loo caga jugleyeey! Hadduu Farmaajo is casili lahaa saacaddiiba waxay ugu yaraan u dhoweyd in buuqu sii socdo muddo markaasna labada Shariif khatar galaan.
Hadda waxaa la yiri: bannaanbax ma jiro oo waxaa nagu soo dhex dhuumanaya Shabaab! Farmaajana markay dumar iyo carruur u sacibisay buu na tusay kursi-jacayl! Maxaa ka raacay? Bal jaaliyadaha qurbo jooga ha ku caawiyeen!
Marka dullinimo darteed adaa iska khasaariyey saacaddaaddii! Waxay ahayd inuu markuu soo degeyba is casilo! Marka Shariif diyaarsay ninkuu kugu beddeli lahaa;  mamnuucana bannaanbaxayaasha. Marka dadka qurbaha jira bal soo wac oo dheh: idoorta.
Hadday Shariifka u hadleen Maxamed-dheere iyo Indhocadde; yaa u hadlaya Farmaajo? Barre-hiiraale laga xir! Korneyl Cabbaasna waa caadoqaato oo ma sameyn karo inuu wiilasha la soo goosto oo kala soo tago Kenya iyo Tigreega. Marka Farmaajoow adaa Qur’aankiina caayey; qarnkii Soomaaliyeedna dambi ka galay. Sidoo kale godkaan la rabnnay labo Shariif adaa fakiyey markaad dhaqso isu casili weyday. Marka hadda waa lagaa soo jiidayaa. Marka doqonnimo waa waxa dumar iyo carruur kuu khaldeen!
Marka waxaa lagula talinayaa wiilasha la soo khalday ee Gedo jooga ee Cabbaas hoos jooga inay usoo noqdaan ehelkooda oo ka soo tagaan gaalada madow ee ay hoos joogaan. Marka Farmaajo isagoon soo ceshan qarashkii uga baxay ra’iisul wasaaranimada baa laga qaaday meesha! Wuxuu noqonayaa ra’iisul wasaarihii ugu waqti yaraa! Marka badownimadaadu wataas aad dumar iyo ciyaal naf ka deyday.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...