Wasiirka ayaa xilligaas shacabka ka dalbanayay inay is dajiyaan, isla markaana ay dib ugu laabtaan guryahooda, isagoo u balan qaaday in shacabka uu la hadli doono Ra'iisul Wasaaraha.
Allaha u naxariistee Wasiirka ayaa xilligaas waxaa la socday Saraakiil ka tirsan Xafiiska Ra'iisul wasaaraha oo uu ku jiray Agaasimaha Xafiiska oo dadka banaan baxayaasha la hadlay.
Banaan baxayaashii maanta dhacay oo ahaa maalinkii labaad ayaa waxaa uu ahaa mid rabashado watay oo ay geystay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo dibad baxayaasha ay dab qabadsiiyeen Hotelka Madiina oo xildhibaano degan yihiin.
Allaha u naxariistee Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu fir fircoonaa Golaha Wasiirada, isla markaana si aad ah uga shaqeynayay howlaha ammaanka ee Caasimada Muqdisho.
Dowladda KMG ayaa sheegtay inay aas qaran u sameyneyso wasiirka kadib markii uu caawa ku geeriyooday Isbitaalka Banaadir.
Haweeneyda isku qarxisay hoyga ayaa dadka ku sugnaa guriga ay sheegeen inay dhowaan timid, isla markaana maanta mar ay baxday, kadibna ay isku soo xirtay waxyaabaha qarxa, waxaana marka uu guriga yimaaday wasiirka ay u dhaadhacday qolka uu ku jiray deetana isku qarxisay.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegay in qaraxaas ay ka dambeeyeen, isla markaana si qorsheysan ay u soo abaabuleen, inkastoo aan markii u horeysay aheyd qaraxyada ismiidaaminta ay Shabaab ku dilaan Wasiirada Dowladda ayaa hadana qaraxan ahaa mid ay fulisay Haweeney.





No comments:
Post a Comment