Friday 10 June 2011

Dad Careysan oo Goor Dhow Gudaha u Galay Hotel ay Deganaayeen Xildhibaano iyo Rasaas ay Fureen Ilaalada Hotelka oo Rayid ku Dhinteen

Muqdisho (RBC) Ugu yaraan 1 ruux ayaa ku geeriyooday 3 kalana way ku dhaawacmeen ka dib markii dad careysan oo ka mid ah bannaanbaxayaashii Muqdisho ay gudaha u galeen hotelka Madiina oo ku yaalla degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho halkaasoo ay degan yihiin xildhibaano ka tirsan barlamaanka KMG ah ee Soomaaliya.
Qofka dhintay ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii bannaanbaxayey ee dalbanayey inuusan iscasilin raysul wasaare Maxamed C/laahi Farmaajo waxaana ku dhacday rasaas ay fureen illaalada hotelka.
Haddaba markii uu falkaasi dhacay ka dib ayaa waxaa markiiba goobta soo gaarey ciidamo ka tirsan DKMG ah kuwaasoo la wareegay goobta isla markaana gacanta ku dhigay raggii hotelka ilaalada ka ahaa.
Ciidamada ayaa goobta ka kexeystey ninkii dilka geystay, waxaana taasi ay keentay in hotelkii oo cidla ah iyo dadweynihii la isaga dhex baxo.
Waxaa la sheegayaa in xildhibaanadii deganaa hotelka ay daaqadaha ka boodeen ka dibna dadkii careynaa ay ku qamaameen hotelka iyagoo gubay gebi ahaanba dhismihii hotelka iyo wixii agab ahaa ee yaalay hotelkaasi.
Dab xoogan oo halkaasi ka dhashay ayaa ka dib ku fidey guryo ku dhowaa hotela oo saaran laamiga dhexmara degmada Xamarweyne.
Illaa hadda waxaa cakiran xaalada goobta ka jirta ciidamada DKMG ah iyo shacabka ayaa iyagu ka mideysan in ay cagta mariyaan cid kasta oo taageerta Shariif Xasan.
WIXII KU SOO KORDHA KALA SOCO RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...