Friday 10 June 2011

Faahfaahin iyo Sawirada Khasaaraha Hotelka Madiina ee Degmada Xamarweyne (Daawo Sawiro)

Muqdisho (RBC) Dibadbaxyada looga soo horjeedo go’aankii ka soo baxay shirkii labada Shariif ay ku yeesheen magaalada Kampala ayaa maalintii labaad ka sii socda magaalada Muqdisho ee caasimada iyo gobolada kale ee dalka.

Dibadbaxa maanta oo aaduga weynaa kii shalay ka dhacay magaalada ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac iyadoo guud ahaan magaalada Muqdisho dadka ku dhintay ay gaarayaan 3 ruux iyo dhaawac 7 kale.

Dibadbaxayaasha oo jooga taalada SYL
Khasaaraha ugu badan ayaa ka dhacay hotel lagu magacaabo Madiina oo ku yaalla degmada Xamarweyne halkaasoo ay degan yihiin xildhibaano ka tirsan barlamaanka ayaa dadweyne careysan waxay dhagax tuureen hotelka taasoo sababtay in nin waardiye ka ahaa hotelka uu rasaas ku furo dadka rayidka ahaa waxana goobta ku geeriyooday 2 ruux oo mid ka mid ah uu ahaa wiil yar, Waxaana ku dhaawacmay 3 ruux oo kale.

Dadkii oo ku sii socda hotelka Madiina
Hase yeeshee markii arintaasi ay dhacday ayaa waxaa goobta yimid ciidamo ka tirsan DKMG ah oo qabtay ninkii rasaasta furay iyagoo sidoo kalana hubkii ka qaaday ilaalada hotelka.
Waxayna taasi dadkii careysnaa u fududeysay inay gudaha u galaan hotelka oo ay gacmahooda kaga ciil baxaan, Waxaa dab la qabadsiiyey hotelkii iyadoo dadkii deganaa hotelka oo ay ku jireen xildhibaano ay daaqadaha ka boodeen.

Hotel Madiina oo gebi ahaantiis la gubay
Waxaa goobta soo gaaray baabuurta ambalaasta oo dhaawacyada u qaaday isbitaalada magaalada,Waxaana xusid mudan in gaari booyad ah oo ay wateen ciidanka AMISOM kuna doonayeen inay ku demiyaan hotelka la gubay ayaa loo diiday ka dib markii dadkii careysnaa ay dhagax tuureen baabuurta AMISOM.

Dibadbaxii oo u jiheystay xarunta Radio Muqdisho
Waxaana sii socday didbadbaxa iyadoo dadkii markaasi ka dib ay u jiheysteen dhanka Raadiyaha Dawlada maamusho ee Radio Muqdisho halkaasoo markaasi uu ka socday barnaamij dood ah oo uu ka qeybgalay Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah gacan yarayaasha Shariif Xasan.

Hotelka oo ay dadkii gudaha u galeen
Dadkii ayaa markii ay hor dhoobteen xarunta idaacada waxay dalbadeen in bannaanka loogu soo bixiyo xildhibaan Cumar Islow si ay u garaacaan waxaana dadka qaarkiis ay gacmaha ku siteen masaaro, iyo ulo iyagoo ereyo caro ku jirto ku qeylinayey.

Dibadbaxayaasha oo ay ku jireen carruur
Maamulka Radio Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in barnaamijkii ka socday idaacada oo toos ah la joojiyo, laguna bedelo khadadka dhegeystayaasha si dadka careysan ee idaacada yimid loogu qanciyo. Waxaana idaacada laga saaray xildhibaan Cumar Islow oo dadku ay dalbanayeen.

Sidoo kale dibadbaxayaal kale ayaa hor dhoobtay xafiiska raysul wasaare Farmaajo inkastoo halkaasi wax rabshad ah aysan ka dhicin. Waxaana adkeyd in ruux aan sidan masawirka raysul wasaaraha uu socod ama gaari ku dhexmaro waddooyinka magaalada Muqdisho.
Ganacsiga guud ahaan ayaa maanta oo ah maalintii labaad hakad ku jira, waxaana guud ahaan baabuurta dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano ay joojiyeen shaqadooda.

Amisom oo ka laabatay markii loo diiday inay demiyaan hotelka
Dibadbaxyada ayaa sidoo kale maanta ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Dharkenley oo shalay iska xasiloonaa iyo sidoo kale isgoyska KM-4.

3 comments:

Anonymous said...

I am genuinely grateful to the owner of this website who has shared this
impressive article at at this time.

my webpage ... jocuri biliard

Anonymous said...

Why users still use to read news papers when in this technological globe everything is presented on
web?

Also visit my blog; cele mai super jocuri online

Anonymous said...

Hello, Neat post. There's a problem along with your website in internet explorer, might test this? IE nonetheless is the marketplace chief and a big section of folks will pass over your wonderful writing because of this problem.

my blog post; jocuri cu batman si robin

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...