Sunday 5 June 2011

Kulan ay saraakiisha Gaalada ah ee AMISOM isku badbaadinayaan oo Muqdisho ku dhaxmaray hogaanka AMISOM.


somalimemo.netKulan xassaasi ah oo Xerada Xalane ku yeesheen saraakiisha Taliska Ciidamada Kuffaarta Afrikaanta ah ayay dib u habeyn ku sameeyeen hogaanka ciidankooda ka dib markii shalay ay dagaalka Boondheere ku waayeen abaanduulihii heystay aagag dhowr ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Kadib markii ay ciidamada kufaarta ah ku jabeen dagaalkii Boondheere ayay kulan deg deg ah isugu yeereen dhamaanba saraakiishooda iyo abaanduulayaasha si looga arrinsado guul darada soo korortay.

Ilo lagu kalsoonyahay oo ay SomaliMeMo ka heshay sirdoonka Mujaahidiinta ayaa sheegaya in Taliyaasha ciidanka AMISOM ay canaanteen abaanduulayaasha aagaga oo ay ku dhaliileen in ay ciidanka halis ku geliyeen dagaalyahanka shabaab oo ah kuwa aan waabaneyn.

Kulankan oo u badnaa canaan iyo in ladaba qabto gaadiidka ka gubanaya gaalada iyo ciidanka badan ee ka dhimanaya AMISOM ayaa yimid kadib markii dagaalkii Shalay ay Mujaahidiintu ku gubeen 7 gaadiid dagaal ah islamarkaana ay ku dileen taliyihii ugu sareeyay ciidanka Afrikaanta ee aagga Jubba sidoo kale waxaa dagaalkaasi ku bakhtiyay madaxii Howlgalka taangiyada kufaarta Afrikaanta ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...