Tuesday 14 June 2011

Madaxweynaha Somaliland Oo Furay shirweyne Lagu Saxayo Nidaamka Garsoorka


“Waxaan la qarin karin saluugga ka jira garsoorkeena oo gaadhsiisan xaalad laga damqado”
“Warbixin la soo ururiyay waxa ka soo baxday waxyaabo layaab leh manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto Somaliland”
Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta ka furay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa shirweyne qaran oo la xidhiidha toosinta dhaliilaha garsoorka dalka.
photo
photo
photo
Shirkan oo socon doona muddo sadex cisho ah waxa ka soo qeyb galay Maxkamada Sare, Xeer Ilaalinta guud, sharci yaqano iyo culimo awdiin waxaana laga soo saari lahaa qorshe hawleed lagu sixi karo nidaamka garsoorka dalka.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shirweynahaasi ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlayay siyaasada xukuumadiisu ku doonayso inay ku saxdo garsoorka dalka oo cabasho badani ka jirto. Waxa kale oo uu Ha’yadaha ka soo qeyb galay shirweynahan ku booriyay inay soo saaraan qorshe cad oo laga duuli karo.
Khudbadii madaxweyne Axmed Siilaanyo ka jeediyay shirkaasi waxay u qornayd sidan:-
“Madaxda Dawlada, Ergada Shirka iyo Marti-sharafta waxa aan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka: Assalaamu-calaykum Wa-raxmatulaahi wa-barakaatu.
Mudanayaal iyo Marwooyin:
Garsoorka iyo Caddaaladu waa laf-dhabarta nolosha ummadda iyo dawladnimada wanaagsan, waana udub dhaxaadka diinteena.
Haddii ay qalloocdaanna wax waliba way innaga qalloocanayaan.
? Inkasta oo aan hubo inay hawl-wadeenada garsoorka iyo caddaaladu ku soo shaqeeyeen duruufo adag, isla markaana ay kaalin adag ka soo qaateen dhismaha dawladnimada Somaliland, haddana waxa aan la qarin karin saluugga ka jira garsoorkeena oo gaadhsiisan xaalad laga damqado, sida aan xogta ku hayana waxa uu u baahan yahay gurmad aqooneed iyo garasho xirfadeed, waana ta keentay inaan shirkan ku baaqo.
Mudanayaal iyo marwooyin, anigoo maanka ku haya in ay cadaaladu tahay waxa ugu mudan ee ay ummadu naga sugayso wax ka qabashadeeda. Mudadii yarayd ee aanu xilka haynay, si aan xogogaal ugu noqdo xaalada dhabta ah ee Garsoorka, iyo cabashada dadweynaha, waxaan kulamo kala duwan la yeeshay Guddida Caddaalda Qaranka iyo madaxda hay’adaha ee ku hawlan Garsoorka iyo cadaaladda, waxaanan ka dhagaystay warbixino mugleh oo ay kasoo ururiyeen dalkoo dhan.
Haday tahay Maxkamadaha, Booliiska iyo haday tahay xabsiyada intaba, taa waxa garab socday baadhitaan iyo daraasad uu sameeyey xafiiskaygu taasoo ay ku soo diyaariyeen caqabadaha Garsoorka, nolosha xabsiyada, maxaabiista iyo inta ugu nugul inay helaan cadaalad.
Warbixintaas waxa ka soo baxday xog la yaableh, oo aad iyo aad u taabatay shucuurkayga, manaan filaynin in ay cadaalad darro intaa leegi ka jirto Somaliland gudaheeda.
? Haddaba Shir-hawleedkani waxa uu bilow u yahay siyaasad aqoon ku fadhida oo ay xukuumadaydu doonayso inay wax kaga qabato qabyada iyo goldoloolada Garsoorka iyo caddaalada.
? Mudanayaal iyo marwooyin, bahdii garsoorka iyo caddaalada cidi uma maqna, oo waa dhan tihiin. Waxa fadhiya Guddiyada Shuruucda ee Baarlamanka, Garsoorayaashii Maxakamadaha Gobolada iyo Degmooyinka, Garsoorayaashii Maxakadaha Rafcaanka, Maxakamadii Sare iyo Xeer Ilaalintii Gobolada dalka, aqoonyahanadii jaamacadaha ee sharciga, qareenadii, ururadii xuquuqal insaanka, culimaa’u-diinka, Booliiskii, Asluubtii, hoggaan dhaqameedkii, haya’daha wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah ee la shaqeeya.
? Shirkan waxa hortaala su’aal culus oo ah inaad deristaan meelaha ay garsoorka iyo cadaalada dalku ka qaloocanyihiin, kana talisaan sidii loo toosin lahaa loona heli lahaa xal rasmi ah oo lagaga bogsado. Haddii ay noqon lahayd dhismaha haya’daha garsoorka iyo caddalada, haddii ay tahay qabyada ka jirta xeerarka, dhaqanka garsoorka iyo maxakamadaha, qiimaynta garsoorka iyo garsooraha, iyo nolosha xabsiyada.
? Waxa muhiim ah in la helo nidaam hurumarsan oo lagula xisaabtamo adeegayaasha sharciga sida: garsoorayaasha, xeerilaalinta, Booliiska, Asluubta, nootaayooyinka iyo cid kasta oo hawshaa bulshada u haysa. Nidaamkaasi waa inuu si cad u tilmaamaa ilaalinta, hufnaanta iyo anshaxa adeegaha sharciga iyo abaal marinta iyo ciqaabta uu mutaysanayo. Nidaamkaasina waa inuu yahay mid uu dadweynuhu kaalin ku leeyahay.
? ubadku waa xooggii ummada iyo hogaamiyayaashii mustaqbalka, sidaa awgeed waxa loo baahan yahay inuu kulankani ka baaraan dego duruufahooda garsoor iyo hannaankii sharci ee daryeeli lahaa.
? Mudanayaal iyo marwooyin, waxaynu doonaynaa inay Somaliland noqoto qaran ay ka hanaqaado dawladnimo la mahadiyo oo raaca sharciga oo cadaaladdu aasaas u tahay.
Si taa loo helo, waxaynu ognahay muhimadda uu Garsoorku u leeyahay xaqiijinta himiladeenaas, sidaa awgeed, waxa naga go’an in aanu isbedel muuqda oo la taaban karo ku samayno xaalada ay maanta ku sugan yihiin, annaga oo la kaashanayna aqoonta iyo talada bulshada.
? Saaxiibada Somaliland ee beesha caalamka, dawladaha deeq-bixiyayaasha iyo Haya’daha caalamiga ah ee naga caawiya hawlaha la xidhiidha Garsoorka, cadaalada iyo nabadgalyada, waxaanu ka codsanaynaa inay kaalmada ay ku bixinayaan hawlahan ku jiheeyaan meel marinta tallada ka soo baxda qorshaha xukuumada ee lagu hagaajinayo garsoorka iyo caddaalada Somaliland.
Guul ayaan idin rajaynayaa iyo in uu kulankani noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin wax ku ool ah jawaab u noqon kara su’aasha idin hortaala.
Wasalaamu calaykum wa-raxmatullaahi wa-barakaatu.”
Dhinaca kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka cadaalada ee loo bedelay wasiirka hawlaha guud Md. Ismaaciil Muumin Aare iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Maxamed Ismaaciil xirsi (oomane) waxaanay ka warameen caqabadaha hortaagan garsoorka waxaanay xuseen inay shirkan ka rajaynayaan inay ka soo baxdo qorshe hawleed lagu dhaqo nidaamka garsoorka dalka.
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...