Tuesday 14 June 2011

Maqaal: Farsamadii Laba Shariif & Guusha Farmaajo!


W/Q: Maxamed Ibraahim Ayaanle
Ayaanle19@gmail.com
Khilaafka Madaxda DKMG Somalia oo ahaa mudooyinkii ugu danbeeyay mid sii jiitamayay ayaa waxa uu kusoo afjarmay shirar xasaasi ahaa oo ka kala dhacay Nairobi iyo Kampala kuwaas oo dhabarka ay ka riixayeen madaxda Qaarada Afrika iyo kuwa Qaramada Midowday u qaabilsan arimaha Soomaaliya oo uu horkacayo Ambasator Mahiga.
Kulan ka dhacay Kampala ee caasimada Dalka Ugandha ayaa ahaa kii kamadanbeysta ahaa oo ay ku kala baxeen dhinacyadii is-heystay ee DKMG Somalia gaar ahaan, waxa uuna khilaafka ahaa mid laba dhinac u qeybsanaa mudo afar bilood ka badan.
Inkastoo Khilaafka uu ahaa mid soo jiitamayay markii la doortay Farmaajo ayaa hadana Madaxweynaha DKMG Somalia Shariif Shekh Axmed waxa uu u ekaa in mida la safan dhanka R/wasaare Farmaajo ayadoona in muda ah ay ahaayeen kuwa isku xulufa ah oo ka soo wada horjeeda Shariif Xasan Gudoomiyaha Baarlamaanka  oo kulamo aanan loo ogaalan ka qeyb galay dhamaadkii bisha May iyo June ee sanadkaan, hamigiisana uu ahaa sidii uu ku heli lahaa dhaqaalo xoogan uu ku kala maareeyo taageerayaashii Xildhibaanda Baarlamaanka si markii uu rabo uu uga helo cod uu ku maareeyo Gudoonka Baarlamaanka Somalia oo markaan u soo jeestay dhaqaalo raadin.
Ka dib kulankii ka dhacay Kampala ayaa waxaa halkaasi ka soo baxay go’aano inta badan Soomaalida aysan jecleysan taa oo aheyd in R/wasaare Farmaajo in uu isaga tago xilkaasi maadaama khilaafka madaxda DKMG Somalia oo sii laba jibaarmayay xili walba taa oo ay ka dhiidhiiyeen guud ahaan Soomaalida ku dhaqan aduunka oo dhan waxaana jawaab looga dhigay dibadbaxyo la ogaa waxa ay keeneen oo ka kala dhacay gobolada dalka Somalia iyo waliba dalka dibadiisa.
Farmaajo oo ay hordhigeen beesha caalamak laba mid dooro ayaa u ekaa in uu qaatay midi Sharaftiisa ay ku badbaadeysay ayadoona loo sheegay ama lagu wada heshiisay isacazilaadiisa sida aan ka arkay qodobadii ka soo baxay shirkaasi iyo afka madaxweyne Shariif oo mudo 73-saacadood ka aamusnaa arimaha ka soconaya Muqdisho.SII AKHRI

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...