Friday 3 June 2011

Murtadkii Axmed Xeyle oo Dhintay (Gaalkan Geeriyooday ayaa Diinta Kirishtaanka soo geliyay Soomaali badankood hada ku nool Mareykanka)


PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Thursday, 02 June 2011 17:29


Waxaa Soomalida Kiristaankaa ay shaaciyeen in sargaalkii Soomaliga ahaa ee Kiristaanka ahaa Axmed Xalayle uu bakhtiyey, Bishii la soo dhaafay April 20keedii, lama garanayo sababta loo qariyey bakhtigiisa, website-yada Interfaith ka iyo gaalaysiinta qaabilsan ayaa shaaciyey dhimashada Axmed Xalayle, Halkaan Riix Ama Guji.

Kumuu Ahaa Axmed Ali Xalayle (Haile). (لَّقَدۡ ڪَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ ثَالِثُ ثَلَـٰثَةٍ۬‌ۘ وَمَا مِنۡ إِلَـٰهٍ إِلَّآ إِلَـٰهٌ۬ وَٲحِدٌ۬‌ۚ وَإِن لَّمۡ يَنتَهُواْ عَمَّا يَقُولُونَ لَيَمَسَّنَّ ٱلَّذِينَ كَفَرُواْ مِنۡهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٌ)

Axmed Ali Xayle wuxuu ku dhashay tuulada Buura Barde sanadkii 1953 wuxuuna bakhtiyey asaga oo da’ahaan jira 58 Sano, 2011, Axmed asaga oo jooga dalka Suudaan isla markaana la ildaran xanuunka duumada (Malaria) ayaa waxaa helay qolyaha Kaniisadaha ka socda, waxayna sheeganayaan in ay noolashiisa badbaadiyeen oo xanuunkiisii xataa lugta lagooyey, balse Axmed ayaa sheegtay in uu Masiixiyada qaatay xili ku dhow 1985 xili uu ku noolaa Magaalada Muqdisho.

Axmed wuxuu la noolaa Naag la yiraahdo, Martha Willson wuxuuna kadhalay Saddex Caruura oo magacyadooda la kala yiraahdo 1 Afrax, 2 Safio iyo Gedi, oo ah wiilka gaariga ku riixaya, Axmed waxaa gaaladu ka faa’idaysteen xanuunkiisa wuxuuna sheegay laftigiisu in loo keenay Bible ka isla markaana uu ku qancay. Asaga oo ka sheekaynaya sida uu ugaaloobay Halkaan Riix Ama Guji.

Axmed Xalayle wuxuu naarta u taxaabay Soomali badan oo badan koodu ku nool yihiin Xeryaha Qaxootiga, gaar ahaan Xeryaha dhadhaab, Ifo iyo xagardheer, sidoo kale Waqooyiga America wuxuu ka dhisay Kaniisado Soomali leedahay inkastoo aanan la shaacin meesha ay ku yaalaan, balse waxaa jirta Kaniisad ku taala Minneapolis Lake Street, sidoo kale Gobalka uu daganaa Wisconsin gaar ahaan Magaalada Milwaukee, wuxuu ku hayey Kaniisad la sheegay in Soomali badan ku xiran tahay, qaar kamidana waxaa la shaaciyey in ay ka qayb galeen Aaskiisa. Axmed Cali waa Ninkii asaasay Idaacadda Masiixiyada ee Afka Soomaliga ku hadasha, saldhigeeduna yahay wadanka Kenya Magaalada Nairobi.  Axmed wuxuu bakhtiyey asaga oo muddo lixsanaa  la ildarnaa xanuunka kansarka.


Axmed wuxuu qoray buug uu u bixiyey Teatime in Mogadishu, (Shaah cabka Mugadisho) gaaladu waxay ka duubeen Cajal ay Buuggiisa wax ka weydiinayaan, laakiin lagu xayisiinayo Baybalka (Bible) wuxuu gaalkaan bakhtiyey ahaa  Buundo isku xirta Soomalida Gaalada ah, wuxuuna socdaalo ku tagay uu Soomalida uu ku gaalaysiinayo iyo Muslimiinta kale Dunida Muslimka wuxuuna ugu magac daray socdaalkiisa (Ambassador of Peace within the World of Islam) Safiirka Nabadda ee Dunida Muslimka.

Axmed wuxuu bakhtiyey asaga oo u ekaaday Ilmo dhashay, Naafo ah, jiroolaa, Rafaadsan, wuxuu ku dhintay Gaalnimo, (يَـٰٓأَيُّهَا ٱلرَّسُولُ لَا يَحۡزُنكَ ٱلَّذِينَ يُسَـٰرِعُونَ فِى ٱلۡكُفۡرِ مِنَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِأَفۡوَٲهِهِمۡ وَلَمۡ تُؤۡمِن قُلُوبُهُمۡ‌ۛ وَمِنَ ٱلَّذِينَ هَادُواْ‌ۛ سَمَّـٰعُونَ لِلۡڪَذِبِ سَمَّـٰعُونَ لِقَوۡمٍ ءَاخَرِينَ لَمۡ يَأۡتُوكَ‌ۖ يُحَرِّفُونَ ٱلۡكَلِمَ مِنۢ بَعۡدِ مَوَاضِعِهِۦ‌ۖ يَقُولُونَ إِنۡ أُوتِيتُمۡ هَـٰذَا فَخُذُوهُ وَإِن لَّمۡ تُؤۡتَوۡهُ فَٱحۡذَرُواْ‌ۚ وَمَن يُرِدِ ٱللَّهُ فِتۡنَتَهُ ۥ فَلَن تَمۡلِكَ لَهُ ۥ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔا‌ۚ أُوْلَـٰٓٮِٕكَ ٱلَّذِينَ لَمۡ يُرِدِ ٱللَّهُ أَن يُطَهِّرَ قُلُوبَهُمۡ‌ۚ لَهُمۡ فِى ٱلدُّنۡيَا خِزۡىٌ۬‌ۖ وَلَهُمۡ فِى ٱلۡأَخِرَةِ عَذَابٌ عَظِيمٌ۬). Wuxuuna Axmed Xalayle ka tagay raad sun ah iyo fariimo lagu maran habaabin karo Ilmaha Soomaliyeed ee Qurbaha loola soo qaxay, waxaa si sahal ah loogu dhigi karaa Carruurta Cajaladihiisa goobaha wax lagu akhristo! Library ga, waxaase Dad badan isweydiinayaan Axmed Cali Xalayle wadaado lamida soo Caruurta Kaniisadaha mageeyaan!?.

Axmed Cali sida qolyaha Interfaith ka ay dadka muslimkaa ugu dhex jiraan ayuu Muslimiinta ugu dhex noolaan jiray,  (Whether sipping tea with Muslim sheiks in Nairobi, Kenya, or teaching a class on peacemaking in North America, Ahmed Ali Haile seems equally at home) Axmed shaaha wuxuu la qabi jiray Culimo Muslim ah oo Nairobi Kenya joogta sidoo kale wuxuu Iskuulka u dhigi jiray oo uu Nabadda ku bari jiray Waqooyiga America dad Soomaliya, ka akhri Halkaan Riix Ama Guji.


Kitaabka Quraankaa uu Baybalka u Ekaysiiyey Axmed Cali Xaley si uu Caamada Muslimiinta u khaldo, Iyo Mabdacaddii daabacay Buuggaas oo Sheegtay in ay amar ka haystaan Mabdacad Sacuudiga ku taal oo Kitaabka Quraankaa Daabacda!

Waxaa sanadkii tagay la daabacay Buug loo ekaysiiyey Kitaabka Quraankaa balse ah Baybalka Kiristaanka, Luuqadda uu ku qoran yahay ayaa ah Afsoomali, Buuggaas waxaa hadda laga qaybiyaa Waqooyiga America gaar ahaan Gobalka Minnesota, waxaana qayb libaax kagaysta qaybinta Buuggaas qolyaha Interfaith ka aamisan, si ay Masiixiyada u fahansiiyaan Caamada iyo Carruurta Muslimiinta ay maran habaabinayaan, Kaniisadanaha gaynayaan.

Buuggaas loo ekaysiiyey Quraanka Kariimkaa waxaa daabacaddiisa ku taala in fasax ama ogolaansho in laga helay Daabacad Kitaabka Quraankaa daabacda oo ku taalada wadanka Sacuudiga, sababta ay sidaas u sheegeen ayaa ah Cover ka ama qaabka Kitaabku usamaysan yahay waa xuquuq muslimiinta u xafidan (Copy Right). Ka eeg Buugga Baybalka ah (Cover and inside designs copyright UMKJ 2005, Used with Permission) (Qaabka uu u egyahay Baybalku waxaa xuquuqdiisa iska leh UMKJ 2005, waxaana ka haysanaa ogolaansho) ma jiraan inta aan og nahay Culima ka hadashay ama ka dhiidhisay daabacadda Buuggaas loo ekaysiiyey Kitaabka Quraankaa si loo khaldo Caamada muslimiinta gaar ahaan Soomalida oo Luuqaddoodii lagu qoray, DAAWO, Masawiro badan oo ah Baybalka sida Kitaabka Quraankaa loogu ekaysiiyey Halkaan Riix Ama Guji.

Codsi ku socda Aqoonyahanada ay ugu horreeyaan, Culimada Iyo Ducaadda ku Nool wadanka Sucuudiga iyo Wadamada kale (Codsigaas oo Ka yimid Walaalaha Golaha Baraaguga Islaamka (Gob-Islam).

Waxaan idin ku dhiira galinaynaa in aad xiriir la samaysaan Daabacadaha ku yaala wadanka Sacuudiga ee Quraanka kariimkaa Cover kiisa sameeya, si aad ula socod siisaan khayaamada iyo dulmiga lagu sameeyey Kitaabka Quraankaa ee Baybalka loo ekaysiiyey

Daawo Cajaladda Laga Duubay Murtad Axmed Cali Xayle:



Cajaladii laga Duubay iyo waraysigii ugu dambeeyey oo u eg fariin muslimiinta lagu fitnaynayo ayaa hawada lagu siidaayey, Cajalka kore ka Daawo, ayada oo oday kale u jiibinayo hadalka waa fariin kutala gal ah ma ahan waraysi caadiya, maadaama fariintaan dhawaan laga duubay waxaa laga yaabaa Gaaladu in ay dileen oo irbad sunna ku dhufteen kadib markii ay dantii ay ka rabeen ay ka heleen, fariimihii looga baahnaana uu gudbiyey Axmed Cali Xayle.
Gaalnimadiisa wuxuu ku tilmaamay Udub dhexaad ama Aqalka Soomalidu dhisato Udubka dhexda laga taago sida uu guriga iskugu hayo ayaa Ciisana Adduunka u hayaa ayuu leeyahay Axmed Cali, Daawo khaatuma xumada ku dhacday iyo duliga ka muuqda.

DIGNIIN KU SOCOTA SOOMALIDA, OO KA TIMID SHEEKH MOHAMED KAARIYE IYO GOLAHA BARAARUGA ISLAAMKA (GOB-ISLAM).

(1) FARIIN, GOB-ISLAM Waxaan idin kugu soo gudbinay inkaarta ku dhacday murtadkaan in ay tusaalo idin noqoto, waxaad Carruurtiina ka ilaashataan wadaadxumayaasha Interfaith ka aamisan si aysan idin kaga gaynin Kaniisadaha Carruurtiina sidii Gobalka Minnesota ka dhacday.

FARIIN, SHEEKH MOHAMED KAARIYE. Waxaan idin kugu soo gudbinay warbixintaan iyo khaatuma xumada Ninkaan ku dhacday in aad ku Cibra qaadataan, meesha laga helay waa hospital iyo xanuun uu la ildarnaa, waxaan idin kula talinaynaa in aad dadka idinka xanuusan ee Hospitalada yaala in lala socdo.

Waxaa arintaas si wanaagsan khatar teeda oga digay Sheekh Mohamed Kaariye, waa Muxaadaro Sheekhu uu duubay hadda ka hor ma ahan wax cusub, Sheekh Mohamed kaariye waa Imaamka Masjidka Sabar ee Gobolka Oregon ee Magaalada Portland, waa Sheekh Ilaahay dartiis loo dhibay kuna jira qorshaha Duulimaad ma samayn kartid (No Flight list), si kasta uu udhibban yahay waa Sheekh kadiga Gaalnimada, Cilmaaniyiinta, Irjaaga, iyo Bidcada Suufiyada, waa Imaam iska ilaaliya dhac dhaca iyo dabanashlaynta Amaxaarada, waxaa nagu Maqaala in uu diiday in uu tago kulamada ama Shirarka iyo Mutamaraadka Qolyaha Irjaaga, Bidcada iyo Amaxaara daba oradka Lugaha iyo Gacmaha ku walaaqday

Isha Wararka Bakhtiga Axmed Cali Xayle:  http://emm.org/index.php?option=com_content&view=article&id=743:eternal-home-for-a-somali-nomad-ahmed-ali-haile-dies-at-58-&catid=109&Itemid=124

http://wwwsomalichristiancom.blogspot.com/2011/05/ahmed-ali-haile.html

FG: Dhawaan ayaan ka hadlaynaa Macluumaad ku saabsan, Soomalida gaalowday, Gabdho Soomaliya  oo Kiristaana oo TV Furtay, Kaniisadahooda iyo Raggii odayaasha u ahaa gaalaysiinta Soomalida qaarkood is toogtay, kadib markii ay wareereen iyo mashaariicda lagu qaato Interfaith ka, Dhawaan filo Insha alaah  

Golaha Baraaruga Islaamka+Somalimidnimo

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

5 comments:

Anonymous said...

Mirihii Abwaan Maxamed Gurxan

Xuskiisa inkastoo aan lagu sookoobi karin bogag yar, haddana toddobadan cutub eej iiftada ah, waxaan xusuus uga dhigayaa walaalkeena naga qarsoomay, Prof. Axmed Cali Xayle, oo qiime iyo qaaye aad u wayn kudhex lahaa guud ahaan dadka Soomaalida, gaar ahaanna kaniisadda CiiseMasiix, oo uu waxbadan hormuud ka ahaa.

Xigaalkii nabaddee, Xiisaddiisa samihiyo,
Xal uhelid masiibada, Xarafkeeda dhigayee,
Xarbigaa colaadaha, Xaladhaleyda raadshee,
Xumahoo la diidiyo, Xurguf kadhawrsiga
Xaal in loo mastuuriyo, Xaajogal ahaayoow
Xayow Axmed Xayloow, Xerowgii Eebbihiisee
Xulashada walaalaha, Xilbax loo nisbeeyee
Xurmo nagu lahaayee, Xusuusteenna mudanow

Xulafadiisa Eebbahay, Xiisekii u badiyee
Xajinaayay qirashada, Xarafkii Waqiisee
Xubbigiis ahaayeen, Xadhiggiisa gooynee
Xarakada Masiixiyo, Xamdigiisa badiyee
U xadreeyay dhaaxee, Xubin wayn kaqaatoow
Xayow Axmed Xayloow, Xerowgii Eebbihiisee
Xulashada walaalaha, Xilbax loo nisbeeyee
Xurmo nagu lahaayee, Xusuusteenna mudanow

Xaasaan miskiiniyo, Xafaare taag daran
Xanfaf nimuu helay, Xantiire qoys galay
Isagoon u kala xilan, Xurquunkii daruuriga
Xagagab wuxuu helo, Kii u xaasinaayee
Xayow Axmed Xayloow, Xerowgii Eebbihiisee
Xulashada walaalaha, Xilbax loo nisbeeyee
Xurmo nagu lahaayee, Xusuusteenna mudanow

Xigtada kuwuu baday, Xalli yidhi amuurtood
Xinif iyaguna qabay, Xubintii laxaadkiyo
Kaa xuubshay xooggii, Lama aad xintaminee
Xeerkii Injiilkiyo, Suu Xaakimkeen qiray
Xabad kii ka saaree, Xugmay caafintoodow
Xayow Axmed Xayloow, Xerowgii Eebbihiisee
Xulashada walaalaha, Xilbax loo nisbeeyee
Xurmo nagu lahaayee Xusuusteenna mudanow

Xaruntiisa reerkiyo, Hadba xerada uu dego
Kii loo xoomi jirayee, Xirgida cuqaashiyo
Xaajoodka sheekhyada, Xigmadoo la qaybsado
Xifaalaynta guudiyo, Xogwaranka mooyee
Iyadoon xanaaq jirin, Doodda xaalin jirayow
Xayow Axmed Xayloow, Xerowgii Eebbihiisee
Xulashada walaalaha, Xilbax loo nisbeeyee
Xurmo nagu lahaayee, Xusuusteenna mudanow

Xile Maarta Xayliyo, Xayi Afraxii curad
Xubbidaa Safiya iyo, Xuur Geeddi yarihii
Qoyskaad xannaaniyo, Xoojinaysay kaalmada
Rabbigaa xawilayee, Xuska adiga mooyee
Xagaldaaci maayaan, Ka xijaaban baalluhu
Xayow Axmed Xayloow, Xerowgii Eebbihiisee
Xulashada walaalaha, Xilbax loo nisbeeyee
Xurmo nagu lahaayee, Xusuusteenna mudanow

Xaggii loo badnaa iyo, Xudinteeda aakhiro
Xukunkiisa Eebbaha, Xalaal baad ahaydoo
Xisbigii Masiixiyo, Xaqii aad rumaysaa
Xisaabtaada qaadayo, Ku xarootay jannadee
Xugmadiisa Rabbigaan, Xallad naawilaynaa
Xayow Axmed Xayloow, Xerowgii Eebbihiisee
Xulashada walaalaha, Xilbax loo nisbeeyee
Xurmo nagu lahaayee, Xusuusteenna mudanow

Anonymous said...

My brother recommended I may like this blog. He used to be totally right.
This put up actually made my day. You cann't believe simply how a lot time I had spent for this information! Thank you!

Here is my blog jocuri strategie online free

Anonymous said...

Definitely believe that which you said. Your favorite reason
seemed to be on the net the simplest thing to be aware of.
I say to you, I certainly get irked while people think about worries that
they just do not know about. You managed to hit the nail upon the top and defined out the whole thing without having side-effects , people could take a signal.
Will likely be back to get more. Thanks

My website ... Jocuri masini

Anonymous said...

I'm not sure exactly why but this web site is loading very slow for me. Is anyone else having this issue or is it a issue on my end? I'll
check back later and see if the problem still exists.



Stop by my website jocuri mario cele mai noi

Anonymous said...

tramadol online tramadol veterinary dose - tramadol 250 mg

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...