Thursday 15 September 2011

Madaxweyne Shariif oo xariga ka jaray xero malatari oo laga furay Muqdisho (Sawiro)


Share
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha FKMG ee Soomaaliya Md. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa albaabada u furay xero cusub oo lagu tababarayo Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed taasoo xariga looga jaray deegaanka Jaziira oo hore u ahaan jirtay gagid macmal ah oo diyaaradaha qaadka ay kasoo degi jireen.
Xeradaan ayaa lagu tababari doonaa Ciidamada Cusub ee loo qorayo dowlada KMG ee Soomaaliya waxaana ka qeyb qaadan doona Tababarkooda ciidamo ajaaniib ah oo ka caawini doona qaabka ay tababarka u qaadan doonaan.
Madaxweynaha iyo xubnihii la socday ayaa si wadajir ah salaan sharaf uga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga dalka kuwas oo isugu jira askar tababar u socdo iyo kuwo si gaar ah loo tababaray.
Madaxweyne Shariif Sh Axmed ayaa soo kormeeray dhammaan qeybaha ay ka koobantahay xeradaasi ciidan islamarkaana su’aalo weydiiyay qaar ka mid ah askarta ku xareysan xeradaasi kuwas oo tilmamay inay si weyn uga faa’ideysteen tababarka ay u sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Amisom.
Ku simaha R/wasaaraha ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii ka hadashay goobta ayaa waxa uu sheegay in looga baahanayahya ciidamadan inay difaacaan dalkooda islamarkaana ay iyagoo Qaran ah u adeegaan bulshadooda.
Sh Shariif Sh Axmed madaxweynaha oo khudbad u jeediyay boqolaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in burburkii ka dhacay dalka 20 kii sano ee ugu dambeysay ay sababtay inay burburaan xerooyinka ciidamada, isagoo farta ku fiiqay in dhagax dhiga manta uu qeyb ka yahay dadaallada dib loogu dhisayo xarumo loogu talagalay inay ciidamada tababarada ku qaataanSii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...