Written by AdministratorSaturday, 24 September 2011 07:23
Ciidamada xisbada wilaayada Hiiraan ayay u suuragashay in ay soo qabtaan hubkii ugu badnaa oo ay AMISOM ugu talagashay in lagula dagaalamo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wilaayada Hiiraan iyo Galguduud.
Ilo wareedyo ay SomaliMeMo heshay waxay xaqiijinayaan in hubkan dhanka Muqdisho laga diray balse wardoonka Mujaahidiinta ay dhaq dhaqaaqiisa la socdeen.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in hubka laqabtay uu ka koobnaa 115 qori AK47,15 qori nuuca M16-ka loo yaqaan,jawaano qasnada ah,sanaadiiq rasaas ah iyo dhowr Jawaan oo Tusbaxyada suufida Isticmaasho ka buuxaan.
Hubkan ayaa lafilayaa in saacadaha soo socda warbaahinta loosoo bandhigo wuxuuna xaqiiq u yahay in AMISOM iyo Mareykanka ay hurinayaan dagaalka ka socda Hiiraan iyo Galguduud.
Wixii kusoo kordha kala soco SomaliMeMo.NET insha'allaah
No comments:
Post a Comment