Monday 26 September 2011

Wiil uu dhalay Cali Ameriko oo lagu qabtay 2-Malyan oo Dollarka Mareykanka ah

PDF Print E-mail
Written by Administrator   
Sunday, 25 September 2011 10:48

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya,  ayaa sheegaya in Wiil uu dhalay Safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed  Cali America   lagu qabtay lacag gaaraysa 2 Milyan oo Doollar , lacagtaas oo ku guray boorsooyin, kaddibna  ay qabteen ciidamada daba-gelka ee Kenya.

Wiilka Safiirka,   ayaa la sheegayaa inay hadda ay gacanta ku hayaan Ciidamada Sirdoonka ee Kenya , kuwaas oo waraysi kala yeelanaya meesha uu ka keenay lacagta cadadkaan le’eg iyo meesha uu u waday.

Warar hoose ayaa sheegaya in lacagtan uu Wiilku doonayey inuu ula safro dalka Canada , arrinkaas oo loo maleeyo inay tahay wax maskaxda qofka bani’aadamka ah ka fog.

Dadka qaarkiis ayaa sheegaya in lacagtaan ay tahay lacago masuq maasuq ah oo safiirka dalka kenya uu ka helay safaarada Soomaalida ee dalka Kenya, safaaradaas oo lagu tilmaamo mida ugu musuq maasuqa badan safaaradaha soomaalida ee ku yaal dalalka qurbaha.

Shacabkamedia:Runta-Kama-Xishoono

 

Email: Shacabkamedia@live.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...