Maqaal: Maxaa ka dhaxeeya qaylada xil-dhibaanada Digil iyo Mirifle iyo Gar-soor?!
Cali Cilmi Soomaow
calisoomow@yahoo.com
Cali Cilmi Soomaow
calisoomow@yahoo.com

Waxaana taalaba kasta oo ay qaadaan odayaasha u doodaya daagalyahannada xaafadda Gar-soor ama nimanka lagu tuhunsanyahay inay Al-shabaabka yihiin ay wali u egtahay inay tahay talaabo lagula daagalayo nidaamka Puntland oo lagula dirirayo kala dambeyntii iyo amnigii guud ee Puntland, waayo ilaa iyo hadda inta la ogyahay xataa marna lagama hayo wax gacan siin ah oo ay dadkaas wadaan si dowladda ay ugu guulaysato ammaanka guud ee Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo, keliya waxay la soo taaganyihiin muran weyn oo loogu qiil dayayo in danbiilayaasha lagu badbaadiyo isla markaasna ay falal danbiyeedyadii sii wadaan oo aay maalin kasta dadaan waxba galabsan ku dileen magaalada gudaheeda.
Waxaa aad gef u ah dhaqanka qaarkiisa ee ka muuqda dadka wax dhexdhexaadinaya ama difaacaya dadka ay dowladda tuhunka ka qabto, sida in maalin kasta war baahinta laga aqristo ama laga dhegaysto warar lagu sheegayo in iyaga laga soo xigtay oo abuuraya dhibaato hor leh oo shaki mujtamaca kala gelin kara, ama mararka qaarkood lid ku ah jiritaanka Puntland.SII AKHRI
No comments:
Post a Comment