Wednesday 21 September 2011

Xaflad lagu soo gabagabeynayay Tartantan Aqooneedkii Idaacadda Andalus oo maanta la qabtay, qoryo iyo bam baanooyin ayaa abaalmarinada ka mid ahaa. (Daawo Sawirada)


  • PDF
amiirnuur.comXaflad si heersare loo soo agaasimay  islamarkaana lagu soo gabagabeynayay Tartan Aqooneedkii bisha barakeysneyd ee Ramadaan ay qabatay Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus ayaa galabta lagu qabtay wilaayada islaamiga ah ee Shabeelaha hoose.





Munaasabaddii loo qabtay gabagabada Xafladda waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee Bulshada sida Culimaa’udiinka, Odayaasha dhaqanka, Ganacsatada iyo ka qeyb-galayaashii Tartan aqooneedka mudada bisha aheyd ka socday Idaacadda Islaamiga ah ee Al-andalus.

amiirnuur.com

Sidoo kale waxaa Xafladda kasoo qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin sida Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Banaadir Sheekh Maxamed Xasan Abuu Cabdiraxmaan.

amiirnuur.com

amiirnuur.com

Ugu horreyn waxaa Xafladda furay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka mid ah Culimaa’udiinka Soomaaliyeed, waxaana Sheekha uu halkaasi ka jeediyay kalimado ka hadlaya faa’iidada Cilmiga. Intaasi kadib waxaa si toos ah loo guda galay Xafladda, iyadoona goobta ay Khudbado ka jeediyeen dadkii kasoo qeyb galay  Munaasabadda lagu soo gababgabeynayay Tartan aqooneedkii heerka Wilaayaatka ahaa ee ay qabatay Idaacadda Andalus.
amiirnuur.com
amiirnuur.com

Macalin Ismaaciil oo ka mid ahaa Guddigii Tartan Aqooneedka ay qabatay Idaacaddii Andalus ayaa sidoo kale halkaasi ka hadlay, isagoona ka sheekeeyay marxaladihii uusoo maray Tartanka, isagoona faah faahin dheeraad ah ka bixiya waxyaabaha Idaacadda Andalus ku riixay in Tartan baaxaddan oo kale leh ay u qabato guud ahaan Wilaayaatka islaamiga ah ee dalka Soomaaliya.
amiirnuur.com

Isagoo hadalkiisa sii wata Macalin Ismaaciil waxa uu intaas kusii daray in sanadkan uusan aheyn markii koowaad ee Idaacadda Al-andalus ay qabato Tartan aqooneed noocaan oo kale ah, balse waxa uu tilmaamay in Tartanno noocaan oo kale ah Idaacaddu ay horey ugu soo qabatay magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo.
amiirnuur.com

Al-qaa’id Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur ayaa isna halkaasi ka jeediyay kalimad kaftan iyo dar daaran u badan, waxaana Sheekha uu si gaar ah ugu mahad celiyay Maamulka iyo howl-wadeenada Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus, kuwaasi oo Allah ka sokow isku xilsaaray qabsoomidda iyo taabogalka Barnaamijka Tartan aqooneedka ee loo qabatay Wilaayaatka islaamiga ah.
amiirnuur.com

Ugu dambeyn waxaa abaalmarino la gudoonsiiyay Majmuucaatkii Kaalimaha hore ka galay Tartankii ay qabatay Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus.
amiirnuur.com

Kaalinta Koowaad waxaa sanadkan galay Xaafadda Imaamu Muslim ee deegaanka Ceelasha Biyaha waxaana la gudoonsiiyay Qori Ak47 ah, 21 milyan oo Shilin Soomaali ah iyo Kutubo Diini ah.
amiirnuur.com

Kaalinta Labaad waxaa galay magaalada Kismaayo, waxaana la gudoonsiiyay Qori Ak7 ah, 15 milyan oo Shilin Soomaali ah iyo Kutubo diini ah.
amiirnuur.com

Kaalinta Seddexaad waxaa galay degmada Huriwaa ee Wilaayada islaamiga ah ee Banaadir, waxaana la gudoonsiiyay, labo bam baano oo F1 ah, 12 milayn oo Shilin Soomaali ah iyo Kutubbo diini ah.
Si kastaba ha ahaatee Munaasabaddii maanta lagu soo gabagabeynayay Tartan Aqooneedkii bisha Ramadaan ee Idaacadda islaamiga ah ee Al-andalus ayaa kusoo dhamaatay jawwi farxad leh.
Amiir Nuur Media
amiirnuurmedia@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...