Gaalkacyo (RBC Radio):- Ciidamada Puntland ayaa weerar ku qaaday xaafada Garsoor ee magaalada Gaalkacyo 1-dii bishan September, waxaana weerarkaasi uu geystay khasaare naf iyo maalba leh, waxaana burbur hantiyeed uu soo gaarey shacabka ku dhaqan xaafada Garsoor oo laga burburiyay qaar ka mid ah hoteelada ku yaala xaafadaasi oo saaran dhinaca laamiga.

Muuqaalka hotel Banaadir oo ay ka muuqato madfac iyo rasaas ku dhacday

Hotelka City Center oo uu ku dhacay madfac isla markaana rasaas badan lala dhacay wajhadiisa hore

xarun ganacsi oo ku taala xaafada Garsoor oo ay rasaas farabadan la dhaceen ciidanka dowladda Puntland

Muuqaalka guud ee hotelka City Center oo ay ka muuqato waxyeeladii dagaalku u geystay

Mid ka mid ah wadooyinka ugu mashquulka badnaa xaafada Garsoor oo haawanaysa

Wadada dagaalka xoogiisu ka dhacay oo ay ka muuqato saameynta dagaalka
No comments:
Post a Comment