Tuesday 13 December 2011

Cabashada gaadiidleyda Muqdisho ay ka qabaan isbaarooyinka yaala qeybo ka mid ah jidadka magaalada Muqdisho oo sii kordhaysa

Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhaya cabashada ka soo yeereysa darawalada gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada Muqdisho taasoo ku aadan isbaarooyinka yaala qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee magalada Muqdisho oo looga qaado sida ay sheegeen lacago sharci daro ah oo xad dhaaf ah.
Isbaaroyinkan oo intooda badani yaalaan degmooyinka X/weyne, Wadajir iyo Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa lagu qiyaasaa tiradooda marka la isku wada daro ilaa 11 isbaaro, waxaana gaadiidleydu ay sheegeen in isbarooyinkaas oo iney sii kordhaan maahane aan soo yaraaneynin ay u yaalaan rag ku lebisan dareyska ciidamada dowlada KMG Somaila oo qaab beeleed u abaabulan.
“Lacagta aan shaqeeyo marka sadex loo dhigo meel ahaan maalin kasta waxaan ku bixiyaa isbaarooyin yaala degmooyinka Wadajir iyo Dharkeynley, lacagahaas culeyskoodana waxaan saarnaa rakaabka iyagana dhib ayey ku tahay, mararka qaarkoodna dhac iyo dil ayaa loo geystaa darawalada iyo rakaabka intaba, mana jirto cid looga dacwoodo” sidaa waxaaa yiri darawal magaciisa ku soo gaabiyey Xasan oo wade ka ah gaari BL ah oo ka shaqeeya inta u dhexeysa KM-4 iyo degmada Wadajir.
Darawalada gaadiidka ayaa sheegaya in ciidamada isbaaradu ay u taalo aysan ka hoos tagin dowlada KMG balse ay hoos tagaan maamulada degmooyinka ay yaalaan oo iyana beel dabada la sii galaya inkastoo Marka idaacadaha ka hadlyaan ay iska dhigaan dad dowlada taabacsan kana amar qaata, sida darawaladu ay qabaan, waxayna ugu baaqeen dowlada KMG Somalia iney dedaal u gasho sidii looga qaadi lahaa wadooyinka ay yaalaan.
“Markii aan boosteetada ka dhaqaaqayaba waxa la iga qaadaa 10 kun Shso ugu yaraan, waxaana qaata rag hubeysan oo boosteejada horteeda taagan si aan gabasho laheyn, hadii ay kun shilin dhiman tahayna dhulka ayuu lacagta kuugu daadinayaa hadaad dhaqaaqdana waa xabad” sidaa waxaa yiri darawal magaciisa ku soo koobay Sakariye oo ka mid ah darawalada kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee u kala goosha Xamar-weyne iyo KM4 iyo weliba woqooyiga magaalada Muqdisho.

Darawalkan ayaa sheegay in sanadkan gudihiiisa ay ragga jooga labo isbaaro oo taala boosteejada dahablaha degmada X/weyne dileen ugu yaraan shan darawal sababo la xiriira muran ku saabsan lacagaha baada ah ee laga doonayo iyadoo rasaastii loo waday darawaladas ay sidoo kale dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad kale oo shacab ah, iyagoo tilmaamay inaaney ilaa hadda jirin cid wax iska weydiisay dadkaasi la laayey oo dadkii ka dambeeyey ay weli sidii goobtii u taagan yihiin.
Golaha wasiirada xukuumada KMG Somalia ayaa dhowr jeer ku baaqay in la qaado isbaarooyinka yaala wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, iyagoo amar ku siiyey laamaha amaanka dowlada iney talaabo adag ka qaadaan kooxaha isbaaradu ay u taalo, hase ahaatee dhowr jeer oo ciidamada dowlada ay isku dayeen qaadida isbaarooyikaas ayaan suuragal noqon sababo la xiriira iyadoo laga baqay in dhiig badani uu daato.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...