Saturday 10 December 2011

Ciidamada Cirka Wilaayada Gedo oo fashiliyay weerar duqeyn ah oo Baardheere ka dhici lahaa.


Written by Administrator on .
iiroon.comCiidamada wilaayada Islaamiga Gedo ayaa ka hortegay isku day ay dowladda Kenya ku dhibaateyn lahayd shacabka muslimiinta ee ku dhaqan wilaayada Islaamiga Gedo.

Wararka nagasoo gaaraya Gedo ayaa xaqiijinaya in ciidamada difaaca cirka wilaayadaasi ay kahor tageen duqeyn ay diyaaradaha dagaalka Kenya ku duqeyn lahaayeen magaalada Baardheere.

Shalay gelinkii dambe ayaa dhawaqa madaafiicda ka dhacday qoriga Zuugga si aad ah looga maqlayay magaalada, maanta duhurkii ayay diyaaraaha Kenya markale ku dul haadeen magaalada balse dhibaata sidaasi u weyn magaarin shacabka Muslimka magaaladaasi.

Weriye ku sugan magaalada Baardheere ayaa soo sheegay in ciidanka cirka wilaayada Gedo ay Khal Khal ku abuureen diyaarad dagaal oo ay Kenya leedahay kadibna ay diyaaradaasi hal madfac ku dhufatay xarunta hay'adda Bisha Cas ee magaalada Baardheere.
Hal qof oo haween ah ayaa laxaqiijiyay in ay ku dhaawacantay weerarkaasi bahalnimada ah.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...