Wednesday 14 December 2011

Dagaalka Labada Villa oo Bilawday (Shariif Axmed vs Shariif Xasan)


Share
Muqdisho (RBC) Muqdisho waxay u muuqataa in hadda uu ka bilawday loolan siyaasadeed oo xoog leh. Laakiin markan sheekada way ka duwan tahay sidii hore waayo taageerayaasaha labada Shariif (Madaxweynaha iyo Afhayeenka barlamaanka) waxay si muuqata u jebiyeen heshiiskii Kampala Accord oo marka si macneysan loo sharaxo ka dhignaa XABAD JOOJIN u dhexeysay madaxda sare ee DKMGa ah.
Ma cadda cida qaadan karta eeda ah HORTA YAA KA BAXAY BALLANTA? Laakiin taageerayaasha Shariif Xasan waxay ku doodayaan in madaxtopoyada ay si aan ka leexleexad lahayn u jabisay heshiiskii Kampala lagu saxiixay 9-kii June 2011 kaasoo dhigay in marka uu xilka baneeyo raysul wasaarihii hore Maxamed C/laahi Farmaajo ka dib aan “la keeni Karin wax mooshin ah oo ka dhan ah madaxweynaha, xukuumadda iyo afhayeenka barlamaanka”…. Akhri heshiiskii Kampala http://www.raxanreeb.com/?p=99042
Waxayna taageerayaasha Shariif Xasan soo qaateen dhowr daliil;
-      Kulankii shalay [13-ka Dec 2011] ka dhacay hoolka barlamaanka ee xarunta golaha shacabka ee xilka looga qaaday gudoomiye Shariif Xasan waxaa wax ka ogayd madaxtooyada.
-      Ciidanka AMISOM oo amaanka xarunta barlamaanka ilaaliya waxay fureen hoolka iyagoo sida la sheegayo amar ka heysta madaxtooyada oo ku wargelisay inaan xildhibaanada la horistaagin.
-      Intii uu socday kulanka shalay waxaa goobta xaadir ku ahaa ciidamada nabadsugida  oo ka amarqaata madaxtooyada kuwaasoo si gaar ah loogu soo xilsaaray inay ilaaliyaan amaanka xarunta golaha shacabka oo uu shirku ka socday.
Waxay taageerayaasha Shariif Xasan dhankooda sharci ku tilmaameen qaabkii shalay xilka looga qaaday afhayeenka, iyagoo weliba ku goodiyey inay ka aargudan doonaan dhinaca kale. Waxayba si cad u sheegeen in iyaguna ay xilka ka tuuri doonaan madaxweynaha taasoo ay u cuskanayaan mar haddii heshiiskii Kampala la jabiyey in iyaguna aysan markan weysada dhowran doonin.
Madaxweynuhu weli kama hadlin eedeymahan loo soio jeediyey iyo waxa ay aragti ahaan la tahay arinta midna maadaama madaxweynuhu yahay sharci ilaaliyaha dalka. Hase ahaatee xildhibaanadii shalay kursiga ka tuuray Shariif Xasan oo loo tirinayo inay safka madaxtooyada yihiin ayaa gaashaanka u daruuray in sheekada ay madaxtooyada wax lug ku lahayd hor iyo horaanba.
Taageerayaasha labada saf waxay har iyo habeen ku jiraan kulamo aan dhamaad lahayn, qaarkood waxay ka dhacaan hotelo halka shirarka kuwooda muhimka ahna ay ka kala dhacaan labada VILLA (Villa Soomaaliya oo ah madaxtooyada iyo Villa Hargeysa oo ah xafiiska gudoomiyaha barlamaanka).
Hadda waxay arini mareysaa; C/weli Mudey iyo Shariif Xasan oo ku adkeysanaya inay iyagu yihiin gudoonka barlamaanka iyo Madoobe Nuunow oo leh “waxaan ahay gudoon KMG ah”.
Waxaa hubaal ah in waqtiga murankan uu soo baxay uu yahay mid muhim ah iyadoo qorshihii hirgalinta roadmap-ka uu socday, iyadoo sanad wax ka yar la rabay in lagu bedelo KMG ay dawladu ku jirto. Hase yeeshee way dhici kartaa in halka ayba sarta ka quruntay ay yihiin arimahaas oo masuuliyiinta danahooda ka dhex  arki waayeen ama iyaga isku fahmi waayeen.
Dadka odorasa siyaasadda waxay sheegayaan in saameynta arintan ay yeelan karto ay tahay labo waxyaabood: in Murankan siyaasadeed uu caqabad ku noqdo qorshaha KMG looga baxayo iyo hirgalintii roadmap-ka ay waday UNPOS iyo inuu markale kala geeyo hogaanka ugu sareeya Dawlada xilli 8 bilood oo kaliya ay u harsan tahay DKMG.
Weli beesha caalamka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay UNPOS kama hadlin arimahan socda.

1 comment:

Anonymous said...

Ηey there are уou uѕing Wordρresѕ for your sitе
platform? I'm new to the blog world but I'm trying to
gеt started anԁ create my own. Do yоu nеed аny coding knowledge to maκe yοuг own
blog? Any hеlp would bе greatly apprеciated!


Also vіsіt mу ωebsite fast cash loans with monthly payments

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...