Monday 5 December 2011

Maleeshiyaad Itoobiya taabacsanaa oo Garbahaarey ka baxsaday.


on .
Maleeshiyaadkii lagusoo anshax xumeeyay gudaha dalka Itoobiya ayaa bilaabay in ay ka firxadaan deegaano katirsan gobolka Gedo oo bilo kahor ay usoo gelbiyeen ciidanka Itoobiya.
Saacadihii lasoo dhaafay ayay maleeshiyaad badan ka carareen degmada Garbahaarey ee wilaayada Gedo, maleeshiyaadka baxsaday ayaa qabtay tuulooyinka xiga dhanka B/xaawo waxaana laga yaabaa in ay isku dhacaan ciidamada shabaabul Mujaahidiin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maleeshiyaadkani ay hubkii ay lagoosteen ku wareejiyeen Odayaal dhaqameeyo kadibna ay xarakada Shabaabul Mujaahidiin u ogolaatay in ay dib ugu laabtaan halkii ay ka yimideen iyaga oo aan hubeysnayn.

Baqa cararka maleeshiyaadkan Dabadhilifyada ah ayaa waxuu imaanayaa kadib markii ciidamada Wilaayada Islaamiga Gedo oo boqolaal gaaraya ay kusoo dhawaadeen degmada Garbahaarey.

Dowladda Cadawga Itoobiya ayaa dhowr bilood ka hor Gobolka Gedo soo gelisay Boqolaal Maleeshiyaad Soomaali Dabadhilifyo ah si ay u dumiyaan maamulada Islaamiga ee Gedo kajira balse kuma guuleysan in ay dumiyaan ku dhaqanka shareecada Islaamka oo iyagii duulaanka ahaa ayaa xaalad cabsi leh wajahaya.

Dagaallo ay ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ka galeen degmooyinka Ceel Waaq,B/xaawo iyo Buusaar ayaa lagu naafeeyay maleeshiyaadka DKMG ah waxaana weli laysku hor fadhiyaa deegaano badan oo Gedo katirsan.

Dowladda Kenya ayaa deegaano Gedo katirsan kusoo duushay waxaana duulaankaasi qeyb ka ah Itoobiya oo iyana ciidankeeda ku suganyihiin Luuq.Garbahaarey iyo B/xaawo.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...