Monday 5 December 2011

Saddex nin oo xalay lagu dilay meel u dhexeysa Degmada Dilla iyo Gabiley iyo Siillaanyo oo ka hadlay



Isniin, December 05, 2011 (HOL) − Xalay saqdii dhexe ayaa dad aan la garanayn saddex nin ku dileen Deegaanka Seemaal ee dhulka beeralayda ah ee Ceelberdaale oo u dhexeeya degmada Dilla iyo Gabiley ee Somaliland.
Saddexdan nin oo qaraabo ah ayaa la sheegayaa in saaka loo qaaday magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, ilaa hadda lama garanayo sababta dadkaasi aan waxba galabsan loo dilay.
Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland ayaa cadeeyey jiritaanka warkan sheegaya in dad aan la garanayni saddex nin ay dileen, waxaanu sheegay in madaxweynuhu amray in gacan ku dhiiglayaashaa dilka gaystay degdeg loosoo qabto.
Afhayeenka madaxweynaha, Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo duhurkii maanta war-saxaafadeed ka soo saaray dhacdadan ayaa dhaleeceeyey falkan foosha xun leh.

"Xalay, gelinkii danbe meesha la yidhaahdo Seemaal oo u dhaxaysa degmooyinka Gabiley iyo Baki waxa ka dhacay shil foolxun waxaana lagu dilay 3 nin oo aan waxba galabsan" ayaa lagu yidhi qoraalkaasi ka soo baxay madaxtooyadda.
"Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu saaka isugu yeedhay talisyada Guud ee Ciidanka Qaranka iyo Booliska iyo Wasaaraddaha Arrimaha Gudaha iyo gaashaan Dhiga waxaanu si Adag u Amray in ay raacdo galaan oo ay soo qabtaan dhagar qabayaashi dilkaas geystay meel kasta oo ay joogaana ay kaga daba tagaan"ayuu yidhi afhayeenka Madaxtooyadda Mr:Cukuse.
Ugu danbay waxa uu Madaxweynuhu Tacsi u diray qoysaskii iyo qaraabadii ay ka baxeen dadkaas ay gacanta ka xaqa darani dishay. Waxaanu leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo iyagana naxariistii Janno ha ka waraabiyo.
Saddexdan qof ee shacabka ah ee gacan ku dhiiglayaal ku dileen deegaankaasi Seemaal ee u dhexeeya Gabiley iyo Dilla ayaan ilaa hadda la hayn cidii ka dambaysay iyo waxay yihiin toona, waxaana la sheegay in dadkan oo hurda rasaas oodda lagaga qaaday halkaasi oo saddexdan nin ku dhinteen dhawr kalana ku dhaawacmeen.
Ciidamada Bileys iyo kuwa Milatariga ayaa maanta duhurkii loo diray, iyagoo la sheegay in ay baadigoobayaan dadkii ka dambeeyey dilkan foosha xun ee halkaasi ka dhacay.
Barkhad-Ladiif M .Cumar, Hiiraan Online
barkhadladiif@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...