Written by Administrator |
Saturday, 12 January 2013 13:24 |
Xoghayihii joogta-ahaa (Permanent-Secratary)ee Reysalwasaare Saacid ayaa isaga tagay shaqadda kadib markii uu adkeysan-waayay bahdilaadda foosha-xun ee lagu hayo Xafiiska Reysalwasaaraha barkinta dheereytay ee Soomaaliya oo si dadban shaqadiisa ula wareegeen Ururadda Damjadiid iyo Hawiye Action-Group ee Madaxweyne Xasan Culusoow iyo C/qaasim Salaad Boy ay madaxda u yihiin.Dr Faarax Cabdi Xasan ayaa Shacabkamedia u xaqiijiyay inuu warqadii is-casilaadda u gudbiyay Reysalwasaare Saacid,waxaana la filayaa in Dr Faarax lagu bedelo Aqoonyahan ay ilmo-adeer-yihiin Saacid-Hurdaaye oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdulle oo Reer Canada ah.Xogheynta-Joogtada ah ayaa ka carooday falkii foosha-xumaa ee Nairobi ka dhacay,kaasoo bahdilaad lagu sameeyay Muqtaar-Jeyte,iyadoo la adeegsanayo saxiixa Reysalwasaaraha,kadib markii Reysalwasaarihii hore Cali Maxamed Geedi,Safiirka Ciyaal-suuqa ah ee Cali Ameeriko iyo Dumaashidood Habarta Fawziya ay si xun ula dhaqmeen Qunsul Muqtaar-Jeyte,iyadoo arintaas lagu xumaynayey Reysalwaaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Gaas oo hadda xitaa iska casilay Xildhibaanimadii Baarlamaanka,maadaama uu ogaaday inuusan waxba ka qabin-karin bahdilaada Muqtaar-Jeyte ee sababtay inuu isku casilo Xogheyntii-Joogtada ahaa ee Saacid-Hurdaaye.Dr Faarax ayaa u adkeysan-waayay sida ururka Damjadiid iyo HAG u maamulanayaan Xafiiska Reysalwasaraha oo noqotay goob lagu xaqiro xuquuqda ay leeyihiin Beelo qaarkood,hadii uu iska dayo inuu qanciyo Reysalwasaarahana uu ka horyimaado talada uu siin-jiray Dr Faarax oo markan ogaaday in inan-la-yaalka Saacid-Hurdaaye uu qolofta Daarood ka yahay balse Mashiin HAG iyo Damjadiid ay ku rakiban-yihiin |
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Saturday, 12 January 2013
Waan Iska Casilay Xafiiska Saacid-Hurdaaye:Xoghayihii Joogtada Ahaa Ee Reysalwasaare Saacid Oo Isaga Tagay Shaqada Kadib Markii Uu U Adkeysan-Waayay Bahdilaad Written by Administrator Saturday, 12 January 2013 13:24 Xoghayihii joogta-ahaa (Permanent-Secratary)ee Reysalwasaare Saacid ayaa isaga tagay shaqadda kadib markii uu adkeysan-waayay bahdilaadda foosha-xun ee lagu hayo Xafiiska Reysalwasaaraha barkinta dheereytay ee Soomaaliya oo si dadban shaqadiisa ula wareegeen Ururadda Damjadiid iyo Hawiye Action-Group ee Madaxweyne Xasan Culusoow iyo C/qaasim Salaad Boy ay madaxda u yihiin. Dr Faarax Cabdi Xasan ayaa Shacabkamedia u xaqiijiyay inuu warqadii is-casilaadda u gudbiyay Reysalwasaare Saacid,waxaana la filayaa in Dr Faarax lagu bedelo Aqoonyahan ay ilmo-adeer-yihiin Saacid-Hurdaaye oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdulle oo Reer Canada ah. Xogheynta-Joogtada ah ayaa ka carooday falkii foosha-xumaa ee Nairobi ka dhacay,kaasoo bahdilaad lagu sameeyay Muqtaar-Jeyte,iyadoo la adeegsanayo saxiixa Reysalwasaaraha,kadib markii Reysalwasaarihii hore Cali Maxamed Geedi,Safiirka Ciyaal-suuqa ah ee Cali Ameeriko iyo Dumaashidood Habarta Fawziya ay si xun ula dhaqmeen Qunsul Muqtaar-Jeyte,iyadoo arintaas lagu xumaynayey Reysalwaaarihii hore ee Soomaaliya C/weli Gaas oo hadda xitaa iska casilay Xildhibaanimadii Baarlamaanka,maadaama uu ogaaday inuusan waxba ka qabin-karin bahdilaada Muqtaar-Jeyte ee sababtay inuu isku casilo Xogheyntii-Joogtada ahaa ee Saacid-Hurdaaye. Dr Faarax ayaa u adkeysan-waayay sida ururka Damjadiid iyo HAG u maamulanayaan Xafiiska Reysalwasaraha oo noqotay goob lagu xaqiro xuquuqda ay leeyihiin Beelo qaarkood,hadii uu iska dayo inuu qanciyo Reysalwasaarahana uu ka horyimaado talada uu siin-jiray Dr Faarax oo markan ogaaday in inan-la-yaalka Saacid-Hurdaaye uu qolofta Daarood ka yahay balse Mashiin HAG iyo Damjadiid ay ku rakiban-yihiin
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment