Saturday, 19 January 2013

Xaaji Maxamed Yasin: Prof.Jawaari Waa Hoggaamiye Dhab Ah Oo Mudan Billad Sharaf In La Siiyo



Jaaliyadda Somaaliyeed ee dalka Malaysia ayaa casho sharaf u sameeysay Mundane Xaaji Maxamed Yaasiin oo ah Ganacsade/Siyaasi ka mid ahaa murashaxiitintii madaxnnimada Somaaliyeed 2012. Xafladda waxa ka soo qayb galay madaxada Jaaliyadda, aqoonyahanno, culumaa’diin, iyo madaxda ardayda Somaaliyeed.
Xaaji Maxamed Yaasiin oo madashaas warbixin dheer ka bixiyey, waxuu ku booriyey Jaaliyadda inay ku dedalaan midnnimadooda iyo in ay gacan ka gaystaan horumarka dalkooda hooyo. Waxuu kaloo sheegay dalkii in “Ceelna u qodnayn Cidna u maqneyn”.
Xaajigu wuxuu amaanay hoggaanka Baarlamaanka gaar ahaan Guddoomiyaha Professor Maxamed Cismaan Jawari, waxaana uu is bar-bardhigey Jawaari iyo Madaxwaynaha Mudane Xassan Shaikh Maxamud sida ay u shaqeeyeen 100-kii maalmood ay xilka hayeen.
Wuxuu tilmaamay in Madaxwaynaha ay kaga dhamaatay waqtigisi magacaabista Wasiirka kowaad, wasiiradda, ku xigeenadda iyo ilaa 9 safar oo muddo 3 bilood ah ku aaday dalka dibadiisa.
Dhinaca Baarlamaanka, Professor Jawaari :
  • Boqolka maalmood marna kama bixin dalka.
  • Baarlamaanka waxay laaleen awoodii Madaxwaynaha uu ku kala diri lahaa haddii xikdhibaannaddu ay ka hor-yimaadaan ansixinta golaha wasiiradda.
  • Miisaaniyad gaar ah ayuu u sameeyey Baarlamaanka oo ka Madaxbanaan dawladda.
  • Wuxuu ku khasbay dawladda inay bixiso Mushaharadda xdhibaanadda oo si joogta ah u helaan.
  • Wuxuu ku guulaystay inuu laba jibaar iyo bar gaarsiiyo mushaharka xildhibaanadda oo hadda ah $2700, oo la siman mushaharka wasiirka dawladda haddiiba loo helo mushahar.
  • Wuxuu ku guulaystay inuu hirgeliyo xeer hoosaadkii Baarlamaanka.
  • Wuxuu sameeyey 15 guddi oo la xisaabtama dawladda iyo guddoonkooda.
  • Wuxuu kor u qaaday mooraalka iyo kalsoonidda xildhibaanadda
  • Wuxuu muujiyey inuu daacad u yahay dastuurka iyo meelmarintiisa.
  • Wuxuu adkeeyey midnnimadda iyo isku duubnida xildhibaanadda.
  • Wuxuu ku shaqeeyaa wadatashi iyo isxaqdhowr iyagoo hal koox ah.
Xaaji Maxamed Yassin wuxuu ku soo gabagabeeyey warbixintiisa inuu kalsooni wayn ku qabo hoggaanka Barlamaanka in ay la xisaabtami doono dawladda si loo badbaadiyo dalka, lagana fogaado amar ku taaglayn, mususqmaasuq iyo dastuurka oo an lagu socon.
Wuxuu ku tilmaamay Professor Maxamed Cismaan Jawaari inuu yahay hoggaamiyaha sannadkii 2012, uuna istaahilo in la siiyo billad sharaf isaga iyo kuxigeenadiisa.
1 / 8
IMG_0596
Casho sharafkii Xaajiga loo sameeyey waxa kale oo ka hadlay Prof. Abdullahi Xoogsade oo dhawaan ka yimid dalka, Dr Prof. Mussa Guddoomiyaha Jaaliyadda, Guddoomiyaha Ardayda Somaaliyeed ee Malaysia Mowliid, iyo rag badan oo kale. Cashadaas oo si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa jawi farxad leh ku soo dhamaaday.
Horseed Media
News Desk

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...