Wednesday, 16 January 2013

Xoolaha Daarood Waa Xalaal:Hotelkii Xaaji Cambe-Cambe Ee (Ex-Degel)Ee Mooryaan Daahir Bakiin Xooga Uga Heystay 22-Kii Sano Oo Loo Xalaaleeyay


PDFPrintE-mail
Written by Administrator   
Tuesday, 15 January 2013 20:07

Gudoomiyaha Maxkamadda-Sare Ceydiid İlka-xanaf ayaa warqad cadeyn ah oo muujinaysa in Xaaji Cambe-Cambe uu Hotel-Degal ka iibsaday Mooryaan Daahir Bakiin oo 22-sanno xoog ku heystay Hoteelkan oo hadda loo bixiyay (Bakiin)dadka qaarkiisna u yaqaaniin (Kuraase-Cadde)

Ceydiid İlka-Xanaf oo caado iyo dhaqan ay u tahay inuu Guryaha si sharc-darro ah warqad been-abuur ugu sameeyo Mooryaantii bililiqeysatay Guryaha Muqdisho ku-yaal,ayaa markii loo tagay oo la weydiiyay sababta Hotelkii Degel ee Xaaji Cambe-Cambe ee Soomaaliyoo dhan ay ogtahay in Hoteelka uu iska leeyahay hadda warqaddo been-abuur ah loogu sameeyay Mooryaan Daahir-Bakiin,ayaa ku jawaabay(Xoolaha Daarood waa Xalaal)waxaana hadalkan ka carooday Qowmiyadda Beesha Xaaji Cambe-Cambe oo ku tilmaantay arin iaga murugoodo in maanta ay jiraan dad aaminsan in Guryo iyo hanti ay leeyihiin Beel Soomaaliyeed loo xalaaleeyo Mooryaan faan u arka bililiqadda.

Ninkan ceebeeyay magacii Maxkamadda ayaa la isku raacay hadii aan talaabo Dawladda ka qaadin inuu abuuri-karo fidno iyo colaad laga dhex-abuuro Beelo Soomaaliyeed,maadaama uu hantidii ıyo xoolihii Beel Soomaaliyeed uu leeyahay waa xalaal.

Daawo Xaaji Cambe-Cambe oo Daahir-Bakiin ka codsanaya inuu Hoteelkiisa ku soo wareejiyo:

Shacabkamedia-Beyra-Puntland

Runta Kama-Xıshoono

Email:Shacabkamedia@live.com


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...