Cabudwaaq (RBC Radio):- Dadweynaha ku dhaqan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galguduud ayaa si toos ah uga soo horjeestay dagaalada ka soo cusboonaadey deegaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn. Dadweynaha degan Cabudwaaq oo goob fagaare ah maalintii shalay ku dibadbaxay ayaa cambaareeyay Maamulka Soomaaliland oo ay ku eedeeyeen in weeraray dad xoola dhaqato ah oo dhulkooda ku sugan isla markaana ay dhibaato u geysteen ciidamada Soomaaliland.
Banaanbaxayaasha ayaa codkooda ku dalbaday in Ciidamada Soomaaliland ay joojiyaan dagaalka ay ku soo qaadayaan dadka deegaanka Kalshaale isla markaana ay ka baxaan deegaanka Kalshaale ee ay ku soo duuleen ciidamada Soomaaliland.SII Akhri
No comments:
Post a Comment