
Ilo wareedyo ku dhow madaxtooyada ayaa RBC Radio u sheegay in madaafiicda qaar ka mid ah ay dul habsadeen tiyaatarkii hore ee National Theatre iyo xaafada Ex-fiyoore oo ku dhow madaxtooyada.
Hase yeeshee labo ka mid ah gantaaladii ay so tuureen Shabaabka ayaa u gudbay dhinaca qarsiga madaxtooyada, waxaana la soo sheegayaa in ay ku dheceen gudaha xarunta madaxtooyada.
Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqlayeen jugta culus ee madaafiicdaasi oo ka imaaneysay dhanka Bakaaraha iyadoo qiiq uu qariyey meelihii ay ku dheceen.
Lama oga khasaaraha ay geysteen madaafiicda Shabaab ku soo duqeysay madaxtooyada DKMG oo ay si aad ah u ilaaliyaan ciidanka Amisom ee Muqdisho jooga.
Xaafada Ex-fiyoore iyo Tiyaatarkii hore ayaa ah goob dad barakcayaa;l ah ah ay ku nool yihiin waxana l ogeyn in wax khasaare ah ay geysteen madaafiicdaasi.
Saraakiisha DKMG inta badan kama hadlaan marka ay sidan oo kale madaafiic Shabaabka ku soo duqeeyaan qarsiga madaxtooyada oo ah halka ay ku sugan yihiin masuuliyiinta ugu sareysa DKMG.
Waxaana marka sisan oo kale ay Shabaabku madaafiic soo tuuran ka dambeeya duqeymo culus oo jawaab celin ah oo ay geystaan Amisom.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho
No comments:
Post a Comment