Thursday 24 February 2011

Ciidamada Taliska somaliland ee laascaanood oo saldhigyo Meleteri ka dhigtay duuleedka iyo buuralayda Magaaladaas


Warar kala duwan oo naga soo gaadhaya Magaalada laascaanood ee xaruunta Gobolka sool ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Maamulka Somaaliland ay dib u soo galeen Magaaladaasi, isla markaasna ay xaruumo Ciidan oo hor leh ay ka samaysteen buuralayda ay magaaladaasi caanka ku Tahay.
Mid ka mid ah dadka sida aadka ah ugu xeel dheer arimaha dhaqdhaqaaqyadaasi ka socda Laascaanood oo Magaciisa ku soo koobay Zaki ayaa ii xaqiijiyey in socod Meleteri ay dib u bilaabeen Ciidamada Maamulka soomaaliland ee mudada halkaasi ku sugnaa.
Dhinaca kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in shacabka Magaalada laascaanood ay shucuurtoodu aad u kacsan tahay kadib markii halkaasi laga dareemay dhaqdhaaqyo Ciidan oo ay bilaabeen Ciidamada Puntland iyo kuwa Soomaliland oo labbada dhinac Magaaladaasi ka kala jooga.
Zaki oo aan wax ka waydiinay shucuurta shacabka ayaa ii sheegay in ay jiraan kacsanaan heerkeedo sareeyo oo ay bilaabeen dadka ku dhaqan laascaanood, kuwaasi oo ka soo horjeeda Taliska Maamulka soomaaliland ee halkaasi jooga.
Arintaani ayaa ku soo beegmaysa xili deegaano ka Tirsan dhulka la isku yiraahdo SSC qaybo ka mid ah ay ka socdaan saan saan colaadeed iyo weliba meelo kale oo dagaalo rasmi ah ka dilaaceen sida kalshaale iyo Maygaale, waxaa kaloo jirta banaan baxyo looga soo horjeedo Maamulka Somaliland oo ka dhacay qaybo ka mid ah Magaaloooyinka waa wayn ee Puntland.
Abdirahman M
xiddigabari@gmail.com
RBC – Garoowe

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...