| | |
| Thursday, 24 February 2011 18:24 | |||||||
Wasiiro dowlihii hore ee wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke islamarkaana mudooyinkii u dambeeyay ka baxay dowladda sheegeyna in uu yahay gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadda ayaa la sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay u magacowday Jaraal ka tirsan ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya.Generaalk Indhacade oo ay diirad/com caawa la xiriirtay ayaa inoo xaqiijiyay in uu jagadaasi u magacaabay Madaxweyne Shariif isagoo raaciyayna in uu noqonayo saraakiisha ugu sarsareysa ee hogaamineysa dagaalada lagula jiro kooxaha dowladda kasoo horjeeda. Yusuf Siyaad Indhacade oo aanu qadka kula xiriirnay ayaa sidoo kale inoo sheegay in berito warsaxaafadeed uu Madaxweynaha kusoo saari doono xilkaasi cusub ee loo magacaabay, waxaana xusid mudan in Indhacade uu horey u labistay darajada Jeraalnimo xiligii xukumadii Sharma'arke iyadoo aanan dowladda xiligaasi wax wara kasoo saarin darajadaas uu labistay. Dhinaca kale Yusuf indhacade ayaa wacad ku maray in ay Muqdisho kasifeyn doonaan ururka Al-qaacida waa sida uu hadalka ku sheegay isagoo yirina haatan guulaha ay dowladda gaareysa waxaa ay noqonayaan kuwa isdaba jooga oo aanan diblooga soo noqon doonin meeshii la qabto oo ay Shababku horey u heysan jirtay.\ Diirad Live News Desk diirad@live.com
|



Wasiiro dowlihii hore ee wasaarada Gaashaandhiga Xukuumadii Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke islamarkaana mudooyinkii u dambeeyay ka baxay dowladda sheegeyna in uu yahay gudoomiyaha Xisbul Islaam Sheekh Yuusuf Max’ed Siyaad Indhacadda ayaa la sheegay in dowladda KMG Soomaaliya ay u magacowday Jaraal ka tirsan ciidamada Militariga dowladda KMG Soomaaliya.



No comments:
Post a Comment