Thursday 24 February 2011

Muqdisho:-Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada Muqdisho.

Muqdisho(Allpuntland)-Wali ayaa dagaalo culus qeybo ka mid ah Wadada Warshadah iyo agagaarkeeda waxa ay ku dhaxmarayaan ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda oo wada jira iyo kuwa Al Shabaab.

Dagaalada ayaa mararka qaar si xoog leh isugu dhacaya , waxaana weerar maanta ah Al Shabaab oo doonaya in ay dib u qabsadeen goobo ciidamada Amisom ay kala wareegeen.

Dagaalada socda ayaa labo qeyb u kala dhigay magaalada Muqdisho, waxaana dadka kala jooga dhinacyada Muqdisho ay kala heeystaan Dowladda iyo Mucaaradka noqotay sida labo gobolka oo kala fog.

Tusaale qofka jooga Suuqa Bakaaraha ee doonaya in uu u talaabo dhanka Dowlada KMG sida Madiino ama Xamarweyne ayaaa waxaa qasab ku in uu soo maro gobolada Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe.

Qiimaha BLada oo soo maraya degmada Balcad ee ka soo dhacaya Degmada Afgooye ka dibna Muqdiho ka soo galaya wadada isu xirta Afgooye iyo magaalada Muqdisho ayaa dadka ku qaada ilaa 70,000 Sh.so.


Shalay ayaa gaadiidka BLka waxa ay ragaabka marsiinayeen wado bacaad ah oo qarjojeex ah taasi oo mareysa Degmada Dayniile dusheeda ka dibna ka soo dhaceeysa Ceelasha Biyaha ayaa hada waxaa ku xayirmay gadiid badan sababo laxiriira bacaad farabadan.


Sikastaba wadadii Warshadaha ee kaliyah la isticmaali jiray ayaa furan dagaal ah oo ay dagaaladu ka socdaan, waxaana wali ciidamada Amisom iyo kuwa Dowladda ay jogaan Gaadhaandhiga iyo saldhigyadii ay qabsadeen.

Xafiiska Wararka ALlpuntland Muqdisho.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...