Thursday 24 February 2011

Ciidamada Buruundeyska oo Caawa isku dayay inay soo furtaan Askar kaga go’doonsan Wasaaraddii Gaashaandhigga. (faah faahin)

Thursday, 24 February 2011 17:22


Waxaa gebi ahaanba fashilmay isku day ay Gaalada Burundi ay ku doonayeen inay xoog kusoo furtaan Askar ka tirsan Ciidankooda oo maalintii labaad ku go’doonsan  meel u dhaxaysa Ex-Kuliyadii Jaale Siyaad  wasaaraddii Gaashaandhigga Soomaaliya.
Dagaal Culus oo Caawa Maqribkii dhacay ayaa  Cutubyo ka tirsan Ciidamada Burundi waxay isku dayeen inay xoog kusoo jiiraan fariisimo iyo difaacyo adag oo Mujaahidiintu ay ka sameysteen agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad si ay u soo furtaan Tiro Askar ah oo ka go’doonsan, balse maxaa dhacay.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mujaahidiinta oo ku sugan jiidaha hore ee dagaalka ayaa ku warramaya in Caawa uu dhacay dagaal Culus oo gacmaha la isula tagay, waxaana Saraakiisha Mujaahidiintu ay sheegayaan in Gaalada Buruundi ay ka  go’neyd inay xoog kusoo furtaan Askarta go’doonka kaga jirta, Mujaahidiintuna ay jilibka u aasteen sidii isku daygaasi ay u fashilin lahaayeen.
Daryanka Madaafiicda waaweyn iyo dhawaqa rasaasta ayaa mar qura is qabsaday, waxaana mar kaliya qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho ay isku badashay sida Kaaha waaberi, kadib markii Xaafadaha oo dhan laga arkay  Hillaaca Madaafiica iyo dhimbisha rasaasta yar yare ee dagaalka la isku adeegsaday.

Dagaalka markii uu socday ku dhawaad Hal saac ayay Ciidamada Burundeysku dib ugu laabteen fariisinkii ay kasoo duullaan tageen ee Kulliyaddii Jaalle Siyaad, Mujaahidiintuna waxay weli ku suganyihiin difaacyadoodii hore, iyagoo sii adkeeyay go’doonka ay ku hayaan Gaalada ku go’doonsan Wasaaraddii Gaashaandhigga.

Warar goordhaw Amiir Nuur Media soo gaarayna waxay sheegayaan in dagaalka Caawa lagu dilay Sedax Askari oo Burundeys ah islamarkaana Meydadkooda la hayo, waxaana lagu wadaa in Saxaafadda maalinta berrito ah loo soo bandhigo.
Amiirnuur Media, Muqdisho
amiirnuurmedia@gmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...