Written by Administrator |
Friday, 25 February 2011 18:36 |
Maxamed Dheere oo xabsiga loogu sheegay in Yuusuf Siyaad Indhacadee General loo dalcasiiyay,ayaa ku calaacalay:"Nin Tolkiis Abgaal yahay baan ahayoo looma-ooyaan ah,Areey waad aragtaan Anigan Jeel baan ka dhex barooranayaa ninkii Indhacadana Shariif-Jokerna Janan buu u dalacsiiyay baa i soo gaartay ee sidaasi ma cadaalaad baa?ayaa laga hayaa Maxamed-Dheere oo Jeel lagu hilmaamay,isagoo gacmaha iyo lugaha ka xiran.Horay baan uga soo hadalnnay sababihii Tarsan iyo Shariif jeelka u dhigeen Maxamed-dheere. Sidoo kalana horay baan u sheegnnay in odayaasha iyo saraakiisha Abgaal ka shireen arrinta Maxamed-dheere oo ay Shariif ku dhaheen dhaqso u soo daa. Waqtigay u qabteen Shariif waa la dhaafay.Sidoo kale dhowr jeer waxaa bannaanbax sameeyey haween iyo carruur dalbanaya in Maxamed-dheere la soo daayo. Shariif dhag jalaq uma siiyeen dumarkaas.Hadda waxaa soo baxday in intii Maxamed-dheere xabsiga ku jiray Shariifku caleemo saaray Mooryaankii dadka Shabeelada-Hoose ka iibin-jiray Biyaha-WebigaWaxay dad badan xasuustaan Indhocadde inuu ahaa ninkii Jowhar bililiqeystay asagoo ku jira Midowga Maxkamadaha markii Maxamed-dheere laga ceyrshay Jowhar. Shabaabkii ku dhexjiray Maxkamadaha afkay gacanta saareen markay arkeen Indhocadde oo kaxeystay baabuur iyo matooro cusub oo deeq loo siiyey Jowhar! Shabaabku markaas jihaaad bay u jeedeen laakiin Shariifka iyo Indhocadde waxay soo arkeen safiirka Maraykanka saad ka aragteen inuu cajalkii fiidowga ahaa safiirku yiri: waxaan la kulmay Shariifka. Waqtigaas inuu sidoo kale la kulmay Galaal iyo Indhocadde ma ahayn arrin qarsoon.Haddaba maxaa Shariifku u xiray Maxamed-dheere halka uu darajada jananka u xiray Indhocadde? Maxamed-dheere iyo Indhocadde waa isku mid laakiin labo arrimood baa Maxamed-dheere ku dhaamaa Indhocadde:1 Maxamed-dheere kuma qaraabto diinta oo isaga mujrinimadiisa waa caddeystaa.2 Maxamed-dheere ma aha nin wax qarsada. Wuxuu kuu qabo saxaafadduu ka sheegayaa laakiin Indhocadde isagoo jaasuus ah buu qamiis iyo cimaamad kuu soo qaadan; wuxuu sheeganayaa inuu Jihaad ku jiro!Haddaan Maxamed-dheere la soo deyn maalmaha soo socda ka hor waxaa la soo weriyay in dumar badan oo Abgaal ah inay yiraahdeen:" waxaan isku qaawineynnaa magaalada Muqdisho goobaha aan ku banaan-baxno ilaa laga soo deynayo Siyaasiga Maxamed-Dheere ee Bahdilaada loo geystay. |
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Saturday, 26 February 2011
"Nin Tolkiis Abgaal yahay baan ahayoo Looma-ooyaan ah,Areey waad aragtaan Anigana Jeel baan ka dhex barooranayaa ninkii Indhacadana Shariif-Joker Janan buu u dalacsiiyay baa i soo gaartay ee sidaasi ma cadaalaad baa?
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment