Thursday 24 February 2011

Muuqaal muujinaya Jabkii Huwanta ku Gaaray Baladxaawo (Warbixin+Sawiro

) Thursday, 24 February 2011 21:00



Waxaa Shalay weerar ku soo qaaday Degmada Baladxaawo Ciidamo Huwan ahaa oo ay hormuud u ahaayeen Ciidamada Mucatab u dirirka ee Itoobiya,Waxaa kaloo weerarkaan qaybka ahaa Dowlada Kenya oo qayb ka ahayd diyaarinta iyo Sahlida marida dhulka dhaca Xuduud beenaadka gaar ahaan Degmada Mandheera.
Weerarkaan ayaa Sidoo kale waxaa qayb ka ahaa Sedax qolo Bare hiiraale iyo Jiridii la socatay laakiin xambaarsanayd magaca Dowlada Ridada,Ciidamada Qabuuro Galeenka ee magaca Ahlu Sunah Sheegata iyo Jabhad uu hogaamiyo Xasan Goorow oo ka dagaalami jirtay gudaha Somali galbeed kana soo Jeeda Beesha Gare gaar ahaan inta degta dhulka ay Itoobiyo xooga ku haysato.

Hadaba weerarkaan ayaa qayb ka ahaa Duulaan lix geesood ah oo lala damacsanaa dhamaan Wilaayaatka Islaamiga ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya
Wilaayada Islaamiga ee Banaadir
Waxaana weerarkaan ka qayb qaadanayay Ciidamada Saliibiyiinta ee Burundi , Yugaandha iyo kuwa Ridada ee Muqdisho ku sugan kuwaas oo loogu talo galay inay weerar ku ekeeyaan goobaha ay Mujaahidiintu ka joogaan Wilaayada Islaamiga ee Banaadir, Ilaahay fadligiis waxaa sugnaaday Geesiyaashii Towxiidka waxaana afka ciida loo daray Ciidamadii Gumaysigaa jab iyo halaag ba'ana way la kulmeen.
Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan
Waxaa kaloo ka mid ahaa Goobihii Shalay la soo weeraray Wilaayada Islaamiga ee Hiiraan ilaahay baa sugay Ciidankiisii waxaana halkaas ku halaagsamay Ciidamadii Itoobiya iyo Murtadiintii Soomaalida ee la Socday waxaana halkaas ay libintii ku raacday Ciidankii Allaah.
Wilaayada Islaamiga ee Galgaduud
Waxaa kaloo Jiray in Qabuuro galeenka oo taageero ka helaya Ciidanka Saliibiga ee Itoobiya ay weerar ku soo qaadeen Tuulada Waradhuumale ee Wilaayada Islaamiga ee Galgaduud , waxaana jilibka u aasay weerarkaas Geesiyaasha Towxiidka oo Allaah kaashanaya,waxaana halkaas guul daro kala laabtay goobtii dagaalka Ciidamadii Huwanta ahaa .
Wilaayada Islaamiga ee Jubooyinka
Waxaa kaloo dhicisoobay weerar lala damacsanaa Wilaayada Islaamiga ee Jubooyinka,waxaana weerakaas ka qayb qaadan lahaa Ciidamo Kenya dabaqoodhi u ah oo uu hogaaminyo Murtad Axmed Madoobe,weerarkaan waxaa si aan qarsoodi ahayn ugu lug leh Dowlada Kenya oo aanan qarsan Joogitaanka Ciidamadaan Gudaha dhulka ay xooga ku haysato .
Wilaayada Islaamiga ee Bay iyo Bakool
Sidoo kale waxaa fashil ku yimid weerar lala maaganaa Wilaayada Islaamiga ee Bay iyo Bakooloo ay hormuud ka ahaayeen Maleeshiyaadka Ridada iyo Ciidamada Saliibiga ee Itoobiya
Wilaayada Islaamiga ee Gedo
Hadaba hadii aynu u soo laabano Wilaayada Islaamiga ee Gedo gaar ahaana Beladxaawo dagaalka ayaa Bilowday abaare 11:00 ilaa12:00 Duhurnimo ,Waxaana magaalada laga Soo weeraray labo jiho dhanka Doolow waxaana laysku farasaaray meel ka baxsan Beladxaawo una jirta qiyaas ahaan 6 ilaa 10 Kilomitir, waxaana ilaahay fadligiis Sedax jeer ka badan la jabshay Ciidamadii ku soo dagaal tagay dhanka doolow jab xoogan la gaarsiiyay lagan furtay hub iyo Saanad ay wateen.
Hadana waxay ka soo weerar tageen dhanka magaalada Mandhera iyaga oo ka yimid dhanka Suufka oo inta ay ka soo gudbeen wabiga Daawo soo dhex maray dhulka ay xuduudiisa sheegato Dowlada Kenya taasoo muujinaysa inay wax ka ogayd qorshahaan lagu soo weeraray qaybna ay ka ahayd, Shalay maxaa uga ekaashiyo badan maanta Kenya 1996 ayay ciidamo Itoobiyaan ah ka soo gudbisay magaalada Mandheera si ay u dumiyaan Imaaradii Islaamiga ee Gado ,maantana sidii oo kale bay marlabaad soo galisay Ciidan Duulaan ku ah Wilaayada Islaamiga ee Gedo.
Waxaa ay tiro ahaan gaareen Ciidamadii Huwanta ahaa ee Beladxaawo soo weeraray 1800 oo askari laakiin taradoodii waxba uma kordhin ,waxaana dhulka ku jiiday Ciidamada Mujaahidiinta iyo Shacabka ay difaacaan oo iskaashanaya Allaahna Taageero iyo sugnaanba waydiistay ,waxaana ay arkeen Gaaladii iyo Murtadiintii la Socotay wax aysan jeclaysan Guushii iyo libintiina waxay halkaas ku raacday Shacabka Muslimka ah ee wiilashooda garab istaagay.
Waxaa xusid mudan in Ciidamada Saliibiyiinta Itoobiya ay awoodoodii ku soo koobantay madaafiic aan loo meel dayin lalana beegsanayay goobaha ay dagan yihiin dadka rayidka ah iyadoo guryaha qaar ay ku gubteen madaafiicdaas.
Hadaba waxaan halkaan idiinkugu soo bandhigaynaa muuqaalo muujinaya jabkii gaaray Gaaladii iyo Murtadiintii soo weerartay Wilaayada Islaamiga ee Gedo
AmiirNuur Media
a

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...