Wednesday 9 February 2011

Kooxo Hubeysan Oo Maanta Boosaso Ku Dilay Gudoomiyihii Degmada Galgala

Boosaso ( RBC Radio )  Waxaa maanta Magalada Boosaso Toogasho lagu dilay Gudoomiyihii Degmada Galgala Ee Gobolka Bari Cali Maxmed Gurxan.
Dilka Gudoomiyaha ayaa waxaa uu ka dhacay Bartamaha Magalada Boosaso Gaar ahaan Agagaarka Bakhaarada Ganacsiga Halkaasi Oo Ay Dadku Ku badan Yihiin.
Kooxo Aan La garaneen ayaa La sheegay In ay Gudoomiyaha Toogteen Isla Markaasina Ka baxsadeen Goobti dilka Uu Ka dhacay.
Ciidamada amaanka Magalada Boosaso ayaa wali Waxaa ay Wadaan baaritaano Ku Aadan Cida Sida Rasmiga ah uga Danbeysa Dilka Gudoomiyaha Degmada Galgala.
Mana jiro Wax hadal ah oo Ka soo Baxay Laamaha amaanka iyo Maamulka Gobolka Bari Oo ku Aadan Dilka Gudoomiyahasi Waxaana Maydka Marxuumka La geeyay Cusbitaalka Guud ee Boosaso.
RBC Bosaso

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...