Muqdisho (RBC) Waxaa soo baxaysa faahfaahin dheeri ah oo laga helayo khasaaraha uu geystey weerarkii isqarxinta ahaa ee maanta lagu qaaday xerada Sarenda ee ciidamada booliska DKMG oo ku taalla agagaarka dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho oo ka tirsan degmada Xamar Jajab.
Tirada Dhimshada ayaa illaa hadda gaareysa 10 ruux oo u badan askar ka tirsan DKMG halka tirada dhaawaca ay gaareyso illaa 30 ruux.
Ilo wareedyada ugu horeeya ee soo gaaray RBC Radio ayaa sheegay in dadka dhaawaca badankood ay yihiin dad gubtay, waxaana dhaawacyada qaar ay u geeriyoodeen dhaawacii kasoo gaaray qaraxa maanta.
Dadka dhintay waxaa ku jira dhalinyaro ciyaartoy ah oo ka tirsanaa naadiga Dekedaha kuwaasoo xilligaasi kasoo laabtay tababar ay ku soo qaadanayeen garoonka Iskuul Booliziya hase yeeshee la kulmay qaraxa xilli ay marayeen agagaarka xerada Sarenda ee qaraxa uu ka dhacay.
Warar hoose ayaa sheegaya in dadka dhintay ay ku jiraan rag saraakiil ah oo ka tirsan ciidamada DKMG kuwaasoo maanta u diyaar garoobayey soo dhaweynta ciidan dhawaan tababar ku soo qaatay wadanka Jabuuti.Sii Akhri
One Stop shop for Daily Digest - News, Views and analysis of the political developments of the Horn of Africa. Now you can follow by email alerts situated at the bottom. Please feel free to forward any item of interest - it is your blog too (Make it your Home Page)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
Why cows may be hiding something but AI can spot it
By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...
-
Wednesday, November 14, 2012 By Jonathan Kalan Kasim moves swiftly around the machine. Like a dancer, he has style, a unique way of p...
-
Washington, DC – Last month, President Sheik Sharif Ahmed appointed Mr. Mohamed Abdullahi Mohamed, a Somali¬American dual citizen, as the ne...
No comments:
Post a Comment