Monday 21 February 2011

RBC Radio oo heshay xog ku aadan in dowlada KMG ay hayso Cadaymo ku fulin oo cadaynaya danbiga loo heesto Maxamed Dheere.

Nairobi (RBC Radio) Warar hoose oo ay heshay Shabakada RBC Radio ayaa waxa ay sheegayaan in dowlada KMG Soomaaliya ay hayso cadan ku fulin danbiga loo heesto Maxamed Dheere.
Xogta ay heshay RBC Radio ayaa waxa ay sheegaysaa in haatan masuuliyiinta dowlada KMG Soomaaliya ay haayaan cadaymo Maqal iyo Muuqaal oo laga haayo gudoomiyihii hore ee gobalka Banaadir.
Waxaa la sheegay markii ay soo qabteen Maxamed Dheere ciidamada AMISOM in aanan wax baaritaan ah aanan lagu samayn isla markaana aanan laga qaadin Teleefankiisa gacanta.
Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay markii ay soo qabteen Maxamed Dheere in ay ku xireen kaligiis qol ka dibna intii uu ku xirnaa qolkaasi uu sameeyay xiriiro xaga Taleefanka ah isla markaana uu la xariiray masuuliyiin kala duwan iyo waliba dad kale, uuna sheegay hadalo cadaynaya in uu lug ku lahaa dhacdadii lagu laayay dadka shacab ah, waxaana la sheegay qolka uu ku xirnaa Maxamed Dheere in ay ku xirneed Camirad Ka duubtay Filin cagal ah oo ah Maqal iyo Muuqaal.Read More

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...