Tuesday 8 February 2011

Hoggaamiyaha SSC Oo Ka Hadlay Dagaalkii Ka Dhacay Deegaanka Kalshaale

Ohio (RBC Radio):- Hoggaamiyaha Jabhada SSC Saleebaan Axmed Ciise (Xagla-toosiye) ayaa ka hadley dagaal khasaare geystay oo maalintii shalay ahayd ka dhacay deegaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn.
Saleebaan Xagla-toosiye ayaa sheegay in dagaalka ka dhacay deegaanka Kalshaale uu ahaa mid lagu soo qaadey shacabka degan gobolka Ceyn, isla markaana lagu dhibaateeyay shacab xoola dhaqato ah oo aan hubeysneyn sida uu hadalka u dhigay.
Hoggaamiyaha SSC ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid gardarro ah oo uu dabada ka riixayo maamulka Hargeysa sida uu warka u dhigay, wuxuuna intaa ku daray in aysan sacabada ka laaban doonin weerar dambe oo uga yimaada dhinaca Soomaaliland.Sii Akhri

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...