Muqdisho (RBC) Warar ka imaanaya magaalada Nairobi ee wadanka Kenya ayaa sheegaya Inay socdaan qabanqaabada shir ku saabsan arimaha Soomaaliya gaar ahaan DKMG iyo waqtigeeda kaasoo uu garwadeen a yahay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga.Warar hoose oo soo gaaray RBC Radio ayaa sheegaya in ajendaha shirka ay ugu muhimsan tahay sidii beesha caalamka o ay ugu horeeyaayaan Qaramada Midoobay iyo Mareykanka u muujin lahaayeen mowqifkooda ku aadan waqtiga TFG oo ku eg bisha August balse dhawaan barlamanka KMG uu kororsaday, kaasoo wadamada Mareykanka, Ingiriiska, Talaayaniga iyo UN-kuba ay diideen.
Wakiilka Qaramada Midoobay Mahiga ayaa hadda bilaabay inuu kulanka ku martiqaado dad kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo wakiilada beesha caalamka eek u sugan Nairobi kuwaasoo ka soo qeybgalaya kulanka oo dhawaan ka dhici doona Nairobi.Sii Akhri
No comments:
Post a Comment