Saturday 11 June 2011

Aas qaran oo maanta Muqdisho loogu sameeyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka+Sawirro

Allaha u naxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho lagu aasay Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka Marxuum C/shakuur Sheekh Xasan Faarax oo xalay fiidkii u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar is qarxin ah oo lagula eegtay Hoygiisa.

Meydka Wasiirkii hore ayaa salaada Janaasada waxaa lagula dukaday Masaajidka Madaxtooyada, iyadoo uu tujiyay Madaxweynaha iyo xubnihii mas'uuliyiinta ee ka qeyb galay uu ka mid ahaa Ra'iisul Wasaare Farmaajo.

Intaas kadib ayaa Meydka Wasiirka waxaa loo soo qaaday Qabuuraha Sheekh Suufi ee agagaarka Madaxtooyada, halkaasoo lagu aasay, waxaana aaskiisa ka qeyb galay Gudi loo xil saaray oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Dibada ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka Maxamed C/llaahi Oomaar.

Xubnaha aaska ka qeyb galay waxaa ka mid ahaa walaalkiis Macalin Maxamuud Sheekh Xasan oo hadalo kooban oo taariikhdiisa ahaa ka jeediyay, isagoo sheegay in gacan ka xaq daran ay dishay, waxaana uu tilmaamay in C/shakuur uu ahaa nin wanaag badan iyo daacadnimo.

“Waxyaabaha lagu yaqaanay ee dabeecadiisa aheyd waxaa ka mid ahaa in halku dhig ay u ahaan jirtay, Intaan Daalim ahaan lahaa aan Madluum noqdo, waxaana uu ahaa nin Masjidka dadka uga horeeya ugana dambeeyo wuxuu yiri Nin Qaahira joogay Masaajidka ayuu ahaa ninka dad badan ugu soo hormari jiray, Allaha u naxariistee waxa uu ahaa shaqsi ilaa yaraantiisii ku soo barbaaray cibaadada Alle”ayuu yir Macalin Maxamuud oo ay walaalo ahaayeen Marxuumka geeriyooday.

Aaska Wasiirka ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Oomaar oo sheegay inay dhankooda Cafis uu ka yahay, isla markaana Alle ugu baryayaan inuu Janadii Fardowso ka waraabiyo.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur ayaa sheegay in C/shakuur ay isku meel wax ku barteen, waxaana uu ku tilmaamay inuu ahaa nin saalix ah oo dadka aanay dhibin, isagoo xusay in dadka ku faanaya inay dileen ay yihiin kuwo damiir laaweyaal ah.

Allaha u naxariistee Wasiirkii Arrimaha Gudaha ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu fir fircoonaa ee Xukuumada Farmaajo, iyadoo dilkiisa ay sheegteen Xarakada Al-Shabaab oo horay u dilay ilaa shan wasiir oo Xukuumadii Cumar C/rashiid ka tirsanaa.







No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...