Saturday 11 June 2011

Shariif Xasan oo Si Kedis ah uga Degey Addis Ababa ka Dib Markii Looga Digay inuu Yimaado Muqdisho (Warbixin)


Nairobi (RBC) Warar goor dhow naga soo gaaray magaalada Addis ababa ee xarunta wadanka Ethiopia ayaa sheegaya in afhayeenka barlamaanka DKMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan uu si kedis ah uga degey magaalada Addis ababa ka dib markii uu safar aan la sii shaacin ku yimid magaalada Nairobi.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Shariif Xasan shalay uu ka soo degey magaalada Nairobi xilli ay magaalada Nairobi ka dhacayeen bannaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiskii isaga iyo madaxweynaha ay sida shakhsiga ah ugu gaareen magaalada Kampala ee wadanka Uganda.
Dawlada Kenya ayaa ku wargelisay in joogitaankiisa Nairobi ay khatar ku tahay amniga wadanka Kenya maadaama ay dadka Soomaalida ay aad u kacsan yihiin ayna diidan yihiin heshiiska ka dhacay Kampala, waxayna dawlada Kenya ku wargelisay Shariif Xasan iyo xubnihii la socday ee ka yimid Kampala ay isaga baxaan Kenya.
Waxaana afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan uu markii dambe ka degey magaalada Addis ababa ee wadanka Ethiopia oo la sheegayo in illaa xalay uu wada hadalo kula lahaa masuuliyiin ka tirsan dawlada Ethiopia.
Shariif Xasan ayaa mudooyinkan dambe xulufo la ahaa dawlada Ethiopia oo si weyn u gacan togaaleynaysan siyaasada Soomaaliya waxaana Shariif Xasan uu saaxiib dhow la yahay raysul wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi oo isagu diidanaa in xukuumada raysul wasaare Farmaajo ay sii shaqeyso.
Lama oga in Shariif Xasan uu sii joogi doono Addis ababa iyo inuu wadan kale u safri doono, maadaama ay adag tahay sida uu xilligan ku yimaado Muqdisho waayo kacdoonka dadweyne ee ka jira Muqdisho ayaa la taliyaashiisu uga digeen inuu waqtigan Muqdisho yimaado, iyadoo ay suuragal tahay in dadweynaha careysan ee beryahan waddooyinka magaalada Muqdisho ku mudaaharadayey ay weeraraan marka uu yimaado.
Waxaa xusid mudan in Maalintii Khamiista oo ay dibadbaxyadu bilawdeen in dadweyne careysan ay dhagax tuureen guriga Shariif Xasan oo ku yaala madaxtooyada, waxaana xigtay in maalintii Jimcaha ee shalay sidoo kale dadweyne ka careysan heshiiska wadaanka lagu burburinayo ee uu la soo galay madaxweyne Shariif ay gubeen hotel ay deganaayeen xildhibaano ay isku fikir yihiin Shariif Xasan.
Sidaasi oo kale ayaa dadweynihii shalay bannaanbaxayey waxay ku sigteen inay gudaha u galaan xarunta Radio Muqdisho oo xilligaasi uu fadhiyey Cumar Islow oo ahaa gacan yaraha Shariif Xasan kana qeybqaadanayey barnaamij dood ah oo idaacada ka socday kaasoo markii dambe la joojiyey ka dib markii dadii ay iridka idaacada yimaadeen ayna dalbadeen in Cumar Islow loo soo saaro.
Arimahan ayaa ah culeys weyn oo amni iyo siyaasadba isugu jira oo soo foodsaaray Shariif Xasan waqtigan waxaana dadka siyaasada ka faalooda ay ku tilmaameen in ay arintan keeni karto in afhayeenka barlamaanka uu si fudud daaqada uga baxo xilkana ku waayo, maadaama kacdoonka dadweyne uu sii xoogeystay ayna qeyb ka yihiin ciidamada qalabka sida.
Hamiga Shariif Xasan ayaa ahaa sidii uu mar uun ku noqon lahaa madaxweyne, isagoo sidoo kalana rabay inuu meesha ka saaro xukuumada raysul wasaare Farmaajo oo ka hor istaagtay dhaqaalihii Shariif Xasan sida musuqmaasuqa ah uga qaadan jiray hay’adaha UN iyo kuwa deeqaha ka shaqeeya ee ka hawlgala Soomaaliya oo badankood uu heshiisyo ka saxiixday waagii uu ahaa wasiirka maaliyada ee dawladii Cumar C/rashiid, balse dadweynaha reer Muqdisho ayaa dhexda u fariistay qorshaha siloon ee Shariif Xasan (oo dadka reer Muqdisho ay u yaqaanaan magaca Shariif Sakiin).
RBC Radio 

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...