Wednesday 15 June 2011

Aqoonyahanada iyo indheergaradka beesha Mudulood oo kasoo horjeestey heshiiska Kampala.

Ummadda soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxay bannanbaxyo ku muujiyeen DIIDMADA HESHIISKII KAMPALA oo ay wada saxiixeen labada Shariif (Shariif Shekh Axmed iyo Shariif Xasan "Mr Sakiin") heshiiskaas oo ahaa khiyaama qaran oo madax-bannanidii dalka gacanta loo geliyay dowlado shisheeye, waxaana si cad u cambaareyneynaa heshiiskaas khiyaamada ah, waxaana halkan ku muujineynaa taageeradeenna aan u hayno shacabka soomaaliyeed oo diidmada heshiiskaas ku muujiyay bannaanbaxyo looga soo horjeedo.

Waxaa ayaandarro ah in Shekh Shariif u hanjabo bannanbaxayaasha Muqdisho isagoo caqli-xumadiisa ka leexanayo xaqiiqda jirta isla markaana beerlaxawsi ka doonayo in uu hab-qabiil uga hortago bannanbaxayaasha. Shekh Shariif si uu u hergeliyo una gaaro hadafka uu leeyahay wuxuu riyadiisa dhalanteedka u deegsaday shakhsiyaad calooshood u shaqeystayaal ah oo caan ka ah beel-weynta Mudulood dhexdeeda isagoo ka doonaypo taageero ku aadan caburinta rabitaankiisa gaarka ah oo uu ku donayo in uu hal sano kursiga ku sii fadhiyo.

Annagoo ah aqoonyahanno iyo waxgarad ka soo jeedo beelaha Muqdisho, waxaan cambaareynaynaa go’aammada shirqoolka ah ee heshiiskii Kampala, sidoo kale waxaan ka soo horjeednaa hadallada meel ka dhaca ah ee ka soo yeeray Sh. Shariif ee ku saabsanaa bannanbaxyada Muqdisho ka socda.

Sh. Shariif inuu ku hadlo ma ahayn hadallo la mid ah kuwa ay ku hadli jreen qabqablayaashii dagaalka. Sidoo kale waa ku fadeexo aan taariikh ahaan ka haridoonin inuu ku mowqif noqday Shariif Sakiin iyo kuwa u adeega danaha shisheeye hantidii ummaddana caadeystay inay dhacaan laga soo bilaabo maalintii la waayay dawladnimo, nidaam iyo kala dambeyn.

Waxaan ka soo horjeednaa wixii dhaawacaya qarannimada ummadda soomaaliyeed. Sidoo kale waxaan ka soo horjeednaa daneysiga shakhsiga ah ee labada shariif iyo xukunjecaylkooda.

Sh. Shariif waa ogsoon yahay isaga iyo Muddulood meesha ay kala joogaan. Arrintuna waxay taagan tahay: ”Aadan Yabaal u soo aroor, abaalna kuuma erganee”.!!!

”Duddun in la dareensado iyo in la duggaalsado iskuma gasho” maahmaahdii ahayd ayaa loo baahan yahay inuusan Sh. Shariif is illowsiin maanta.

UGU DAMBEYN WAXAAN UMMADDA SOOMAALIYEED U SHEEGEYNAA:

In Muddulood uusan diyaar u ahayn inuu taageero shakhsi fadeexoobay, dembiyo khiyaamo qaran ahna faraha kula jira. Hore loogama baran Muddulood haddana ma dhicidoonto in Muddulood taageero khaa’in ummaddiisa khiyaameeyay.

Soomaali ha noolaato.!!!!

Soomaali ha midowdo.!!!

Qarannimada soomaaliyeed ee soo muuqata ha xoogeysato.!!!!!!

1) Prof. Qareen Xasan Maxamed Cumar "OKIYO" Sweden

2) Dr. Axmed Maxamed Maxamuud Warsheek " "

3) Dr. Cali Axmed Hirabe " "

4) Eng. C/qaadir Yusuf Guuleed " "

5) Cabdullahi Muuse Xuseen (Ex Duqa Muqdisho) " "

6) Cadde Xasan Cali Gaabow U S A

7) Ugaas Ismaaciil Cabdulle Gurey

8) C/qaadir Yalaxow Hirabe U S A

9) Moxamed Cali Kamoole " "

10) Moxamed Macallim Cali Daa'uud Norway

11) Moxamed Cabdullahi Gabayre U S A

12) Col. Cabdullahi Cali Macow " "

13) Dr Mire Cali Siyaad " "

14) Col Cabdinaasir Moxmoud "Indaqarsho" " "

15) Eng Cali M. Comar " "

16) C/qaadir Axmed Culusow "Xaynuuf" " "

17) Xayle Cali Wardheere " "

18) Dr. Axmed-Khadar Maxamed Guuleed Sweden

19) Xuriyo Daahir Diiriye U S A

20) Laymoon Abdulle Sabriye " "

21) Abdullahi Xaaji Ali Abukar " "

22) Abdiaziz Ahmed Mahdi " "

23) Liban Abukar Ahmed Maalin " "

24) Ali Mohamoud Shegow UAE

25) Abdi Mohamed Sabriye USA

26) Mohamed Osman Mohamed " "

27) Mohamed Hussein Sharre " "

28) Saadiyo Nur Haji Osman Canada

29) Adow Alasow Osman, Madaxgaduud " "

30) Mohamed Mahdi Qashow " "

Mohamed Ahmed
kamoole@hotmail.com

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...