Wednesday 15 June 2011

Raysul Wasaaraha oo La Wareegay Taliska Amniga Iyo Dadkii Loo Xiray Dibadbaxyada Muqdisho oo Xalay La Siidaayey

Muqdisho (RBC) Kadib markii uu shalay si rasmi ah raysul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo uu ku dhawaaqay inuu isagu la wareegay hogaankii wasaaradda amniga ee dalka oo wasiirkii qaabilsanaa dhowaan geeriyooday ayaa waxaa xalay dib u heley xoriyadooda dadkii loo xiray dibadbaxyada Muqdisho.
Dadka xalay la siidaayey oo gaaraya ku dhowaad boqol ruux ayaa ahaa dadkii dhowaan loo qabqabtay mudaharaadyada kacdoonka ah ee ka soconaya magaalada Muqdisho eelooga soo horjeedo heshiiska Labada Shariif (madaxweynaha iyo afhayeenka barlamaanka) ku soo gaareen wadanka Uganda.
Qaar ka mid ah dadkii xalay la soo siidayey oo RBC Radio la hadlay isla xalay ayaa sheegay in saraakiisha nabadsugida ay ku wargeliyeen shalay Casarkii inay fasax yihiin oo ay bixi karaan k adib markii uu amar ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha.
Xafiiska Raysul wasaaraha ayaa la sheegay inuu ku wargeliyey nabadsugida inay soo siidaayaan dhamaan shacabka loo qabqabtay dibadbaxyada ee ku jira xabsiyada nabadsugida.
Dadka lasoo siidaayey xalay waxaa ku jira wariyaal ka tirsanaa idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho kuwaasoo Isniintii lagu xiray xilli ay soo tabinayeen wararka dibadbaxyada ay sameynayeen dadweynaha. Waxaa sidoo kale dadkan ka mid ah arday gabdho iyo wiilal ah oo shalay [Talaadadii] laga qabqabtay isgoyska KM-4 halkaasoo ay si nabadgelyo ah ku muujinayeen dareenkooda ku wajahan heshiiska Kampala.
Arintan ayaa timid ka dib markii raysul wasaaruhu shalay cambaareeyey xariga dadka shacabka ee sida nabadgelyada ku bannaanbaxayey, wuxuuna raysul wasaaruhu sheegay inuusan raali ka ahayn arintaasi.
“Siyaasada xukuumadayda kuma jirto in dad nabadgelyo ku dibadbaxaya la xiro, arintaasi baaritaan ayaan ku sameyn doonaa waxna waan ka qabaneynaa” ayuu yiri raysul wasaaruhu mar uu shalay warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho.
RBC Radio
Xafiiska wararka Muqdisho

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...