Tuesday 14 June 2011

Deg Deg: Ciidamada dowlada KMG oo maanta mar kale qab qabtay banaanbaxayaal (Daawo Sawirada)

Muqdisho (RBC Radio) Ciidamada dowlada KMG Soomaaliya ayaa maanta mar kale waxa ay qab qabteen dadka banaanbaxayaal ah kuwaasi oo dareen kooda ku muujinayay magaalada Muqdisho.
Goor dhow ayaa ciiamada dowlada KMG Soomaaliya gaar ahaan kuwa nabad sugida ee dowlada ay weerareen dad ku banaanbaxayay magaalada Muqdisho isla markaana ay xir xeireen qaar ka mid ah dadkii banaanbaxayaasha ahaa.
Lama oga inta ay la egyihiin dadka ay ciidamada dowlada ay wateen laakiin waxaa la sheegayaa in ay u badnaayeen ardaydii wax ka baranaysay dugsiyada gobalka Banaadir iyo dad kale oo badan oo banaanbaxa dhigayay.
Mar qur ah ayaa waxaa la arkay iyadoo ciidamada Nabad Sugida ay isku gadaameen goobtii ay dadku banaanbaxyada ay ku dhigayeen ee ahayd isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay ciidamadu bixinayeen Hanjabaado kalae duwan oo ay u jeedinayeen dadka dibadbaxayaasha ahaa.
Talaabadaan ay maanta ay qaadeen ciidamada dowlada ayaa waxa ay ku soo adaysaa xili ay wali xabsiga xarunta madaxtooyada ee nabad Sugida ay ku xiranyihiin dad badan oo xili ay banaanbax ay dhigayeen shalay la qabtay. Daawo Sawirada

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...