Muqdisho (RBC) Iyadoo bannaanbaxyada looga soo horjeedo labada Shariif iyo heshiiskii ay ku gaareen magaalada Kampala ee wadanka Uganda ay galeen shalay maalintii afraad ayaa waxaa maanta oo Talaado ah la filayaa in markale dadkii dibadbaxyada samenayey ku soo laabtaan waddooyinka magaalada Muqdisho.Abwaan Cabdi Yare oo ka mid ah dadkii dibadbaxyada shalay qabanqaabiyey kana badbaaday xarigii ay ciidamada madaxtooyada Sheekh Shariif ku beegsadeen dadka rayidka ayaa RBC Radio xafiiska Muqdisho u sheegay in aysan marnaba bannaanbaxyada ka dhanka ah Labada Shariif joogsan doonin tan iyo inta shacabka Soomaaliyeed ka helayo rabitaankiisa lana urinayo wax uu ku tilmaamay ‘heshiiska qiyaanada ah’ ee labada Shariif ku gaareen Kampala.
Abwaan Cabdi Yare ayaa cambaareeyey xariga shalay loo geystey 50 ruux oo shacab ah oo si nabadgelyo ah dareenkooda ku muujinayey kuwaasoo xalay ku hoyday xabsiga madaxtooyada, isagoo Sheekh Shariif ugu baaqay inuu ka bixiyo raali gelin hadalkii qadafka ahaa ee uu Axadii k jeediyey madaxtooyada kaasoo uu ku tilmaamay dadweynaha kacdoonka wada kuwo lacago la soo siiyey.
Dhanka kale gudoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur [Tarsan] o beryahan u muuqday inuu taageersanaa dibadbaxyada xukuumada lagu taageerayo looga soo horjeedo labada Shariif ayaa haatan la saftay madaxweyne Shariif, wuxuuna Tarsan xalay hanjabaad u soo jeediyey dadweynaha rayidka ah ee dibadbaxyada ka dhigaya Muqdisho.
Tarsan ayaa ku goodiyey in cidii maanta soo baxda la qaban doono xabsina la dhigi doono, wuxuuna ku dooday inuu heley warar sheegaya in weeraro qaraxyo ah lagu soo dhex qarin doono dibadbaxyada.
“Waxaan helnay warar sax ah oo sheegaya in Al-Shabaab ay qaraxyo ka dhex sameyn rabto dadweynaha gaar ahaan ardayda oo baabuurta shirkadaha kuwo loo soo ekesiiyey iyo gaadiidka dibadbaxyada inay miinooyin ku soo xireen marka waan u digeynaa dadweynaha” ayuu yiri Tarsan oo intaa ku daray in aabayaasha ay ceshadaan carruurtooda.
Ma Cadda in hadalka Tarsan ay ku baaqan doonaan dadweynaha hase yeeshee dadka kacdoonka ka wada magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ugu adkeysanaya inaysan joojin doonin kacdoonka lagu salqaadayo labada Shariif ee ka socda Muqdisho waxayna hogaamiyaasha kacdoonku si kulul u weerareen hadalkii goodinta ahaa ee Axadii ka soo baxay Sheekh Shariif ee dadweynuhu uu ku sifeeyey kuwo laaluush soo qaatay.
RBC Radio
No comments:
Post a Comment