Wednesday 1 June 2011

DEG DEG: Labada Shariif oo galabta Labo Diyaaradood qaas ah ugu ambabaxay Magaalada Kampala

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Afhayeenka Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa caawa u hoyanaya Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shir ay leeyihiin Kooxda Xiriirka Arrimaha Soomaaliya Somali Contact Group oo shir labo maalmood socda ay yeelan doonaan.

Sida ay sheegayaan wararka Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa abaarihii sagaalkii galabnimo ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo socdaalkiisa ahaa mid gaar ah oo diyaarad qaas ah ka qaaday isaga iyo Mudanayaasha taageersan.

Xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah Xogheynada Shariifka ayaa sheegay in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu kaga qeyb geli doono shirka beri ka furmi doono Magaalada Kampala ee dalka Uganda oo ay leeyihiin kooxda xiriirka Arrimaha Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa maqribkii ka dhoofay abaarihii 6:45 xilliga Muqdisho isaga iyo wafdi uu hogaaminayo, iyadoo diyaarad gaar ah ka qaaday isaga iyo Wafdigiisa.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa Ra'iisul wasaare Kuxigeenka ahna Wasiirka Qorsheynta Qaranka C/wali Gaaz, Turjubaankiisa qaaliga ah ee Wasiirka Warfaafinta C/kariin Xasan Jaamac, Wasiirka Waxbarashada iyo Agaasimaha Hey'adda Nabad Sugida Axmed Fiqi.

Tani ayaa muujineysa heerka uu gaarsiisan yahay khilaafkooda, maadaama si gaar gaar ah hal magaalo ugu ambabaxeen labo diyaaradood, oo u kala qaaday Magaalada Kampala oo shir wada jir ah ay ugu qeyb geli doonaan maalinta berri.

Safarka Labada Shariif ayaa noqonaya kii u horeeyay ee si isku mid ah loogu casuumo shirka Kooxda xiriirka Arrimaha Soomaaliya, iyadoo shirkan midkii ka horeeyay uu Madaxweynaha kaga qeyb galay Magaalada Madrid ee dalka Spain, waxaana sanadihii u dambeeyay si qaas ah uga qeyb geli jiray Madaxweynaha oo kaliya.

Shirkan ayaa ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo Hey'adaha Dowladda uu u dhaxeeyo kala aragti duwanaan la xiriirta marxalada kala guurka, iyadoo la filayo in shirkan ka soo baxaan natiijo ku aadan khilaafka Madaxda Dowladda ee wali maaro loo la'yahay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...