
Mudane Jaamac Bisle oo la soo xiriiray RBC Radio ayaa guul ku tilmaamay in shirkan uu noqdo midkii ugu horeeyey oo siyaasada Soomaaliya iyo xaalada wadanka looga arinsanayo oo lagu qabto gudaha wadanka, isagoo sheegay in arintani ay muujineso biseylka iyo isbedelka wanaagsan ee ay ku socoto siyaasada Soomaaliyeed waqtigan.
“Waa wax lagu farxo shir dalka gudahiis lagu qabanayo halkii dibadaha lagu qaban lahaa” ayuu yiri Jaamac Bisle oo intaa ku daray inuu aad u taageerayo shirka.
Gudoomiyaha Golaha Midnimada Beelaha Daarood wuxuu dhanka kale soo jeediyey baaq ku wajahan xukuumada KMG iyo dhamaan qeybaha siyaasada Soomaalida isagoo ku baaqay in shirku uusan noqon mid qeybaha siyaasada ku kooban ee sidoo kale laga talo-geliyo hogaanka, dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka iyo cid kasta oo qiiro wadanimo leh kana damqeysa xaalada wadanka.
“Anigu waxaan soo jeedinayaa in shirku uusan noqon mid siyaasadeed oo qurah balse waxaan soo jeedinayaa in dhamaan qeybaha kale sida odayaasha dhaqanka, bulshada rayidka iyo waxgaradka laga soo qeybgaliyo” ayuu hadalkiisa sii raaciyey gudoomiye Jaamac Bisle oo sidoo kale sheegay in shirku uu yahay mid talo Soomaaliyeed lagu gaarayo.
Mudane Jaamac Bisle ayaa hoosta ka xariiqay in midnimada ummada Soomaaliyeed ay muqadas tahay mar walba balse wada tashi kasta ee dalka xal loogu raadinayo uu rajo ku baari kato bulshada.
Hadalka gudoomiyaha Golaha Midnimada Beelaha Daarood Jaamac Ciise Gaab ayaa ku soo beegmay iyadoo raysul wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya toddobaadkan uu shaaca ka qaaday in shirka wada tashiga ee bisha June ka dhacaya Muqdisho ay ka soo qeybgeli doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ku jiraan hogaamiyaasha dhaqanka.
No comments:
Post a Comment