Saturday 18 June 2011

Dowladda KMG oo sheegtay in taakuleyn ay la gaartay Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan ka dagaalamaya

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in taakuleyn xaga saadka iyo raashinka ay la gaartay Ciidamada Dowladda KMG ee ku sugan Gobolka Hiiraan, xilli in muddo ahba ay ka taagneyd Gobolkaas xiisado dagaal, isla markaana Ciidamadii halkaas ku sugnaa ka waayay Dowladda kaalintii ay uga baahnaayeen.

Wasiirka Gaashaandhiga ahna Ra'iisul Wasaare Kuxigeenka C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay deegaanada u dhaxeeya Maxaas iyo Matabaan iyo duleedka Beledweyn ay ahaayeen kuwo qorsheysan oo Ciidamada Dowladda ay qaadeen, kuwaasoo uu tilmaamay in guulo ka soo hoyeen.

Inkastoo aanay horay Dowladda u sheegin jirin dagaaladii ka dhacayay Hiiraan, ayaa hadana Wasiirka Gaashaandhiga waxaa uu sheegay in dagaalka Hiiraan uu qeyb ka yahay dagaalada Gedo, Jubooyinka iyo kan Muqdisho ka socda.

"Howl galada Ciidamada Dowladda ka wadaan Hiiraan, wuxuu ahaa mid qorsheysan, Ciidamada waxay dhufeys ka dhigteen Garoonka diyaaradaha, runtii Dowladda taakuleyn ayay la gaartay, hadii ay ahaan laheyd raashinka, saadka Ciidamada iyo rasaasta"ayuu yiri C/xakiin Fiqi.

Dagaalada mudooyinkan ka socday Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku lug lahaa Maleeshiyo deegaanka ka soo jeeda iyo Ciidamo taabacsan Ahlusuna, kuwaasoo weeraro ku qaaday Xarakada Al-Shabaab, iyadoo dagaalo labadii maalmood ka dhacay aagagaas ay ku dhinteen ilaa ku dhowaad 20-ruux.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...