Monday 13 June 2011

Kooxo Hubeysan oo xalay ku dilay Boosaaso Taliyihii hore Daraawiishta

Kooxo Hubeysan ayaa xalay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ku dilay Taliyihii hore Ciidamada Daraawiishta, kaasoo xalay lagu dilay agagaarka Masaajidka Rowda, iyadoo kooxihii dilkaas ka dambeeyay ay ka baxsadeen goobta.

Taliyihii hore Booliska Daraawiishta oo lagu magacaabi jiray Col. Axmed Xaaji Doon ayaa la sheegay in mudooyinkan uu ku sugnaa Boosaaso, waxaana dilkiisa uu ku soo beegmayaa xilli ay sii kordhayeen mudooyinkii u dambeeyay in dilalka qorsheysan.

Saraakiisha Booliska Gobolka Bari ayaa sheegay inay wadaan baaritaano, ayna ku raad joogaan, waxaana Ciidamada xalay howl galo ka sameeyeen Xaafadaha Boosaaso.

Dilalka qorsheysan oo lagu fulinayay mudooyinkii u dambeeyay saraakiisha, dadka waxgalka, nabadoonada ayaa ahaa kuwo aad isu soo tarayay, iyadoo aanay jirin tallaabo muuqata oo uu Maamulka Puntland u qaaday wax ka qabashada falalka ammaan daro iyo dilalka qorsheysan.


No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...