Muqdisho(Allpuntland)-Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo la hadlay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in banaanbaxyadii ka dhacay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa shaqsiyaad ay soo abaabuleen.
Axmed Diirire ayaa sheegay in Bananbaxyadu ay ahaayeen kuwa iskood u dhashay islamarkaana shacabka Muqdisho dareenkooda ay ku soo bandhigeen, waxa uuna tilmaamay in uusan u maleeyneeyn in banaanbaxyada shaqsiyaad ay ka dambeeyeen.
Banaanbaxyada magaalada Muqdisho oo ahaa kuwa xoog leh oo qaarkood rabshado watay ayaa madaxda Dowladda iyo waxgaradka magaalada Muqdisho waxa ay uga hadleen siyaabo kala duwan.
Madaxweynaha Dowladda KMG Shariif Sheekh Axmed oo shalay warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa sheegay in banaanbaxyada ay soo abaabulaan shaqsiyaad la yaqaano, waxa uuna ka digay in banaanbaxyo kale Muqdisho laga sameeyo, Sidoo kale Indha Cade iyo Maxamed Dheere ayaa ku eedeeyey in Xukuumada ay ka dambeeysay Bananbaxyada hasa ahaatee saraalkiil Dowladda ka tirsan iyo Waxgarad ayaa qaba in banaanbaxyada qolo aysan ka dambeeyn oo ay shacabka sameeyeen.
Xafiiska Wararka Allpuntland Muqdisho.
No comments:
Post a Comment