Friday 10 June 2011

Maalintii labaad oo Xaafadaha Jowhar ka socdaan Howlo Shabaabka ku diiwaan gelinayaan Guryaha TV-yada ku jiraan

Waxaa maalintii labaad Xaafadaha Magaalada Jowhar ka socdo Howlo Maamulka Al-Shabaab uu ku diiwaan-gelinayaan Guryaha TV-yada ama dhalooyinka ku jiraan, iyadoo dadka wali la yaaban yihiin tallaabadan iyo ujeedada ay ka damacsan yihiin.

Saaka ayaa Xaafada Horseed oo ka mid ah xaafadaha Magaalada Jowhar waxaa ka socday howlo guryaha lagu tira-koobiyay, kaasoo Ragg ka tirsan Shabaabka ay ku galayeen guryaha, deetana ay ku qorayeen Milkiilayaasha Guriga.

Mid ka mid ah dadka saaka Guryahooda lagu dheelmaday oo codsaday in aan magaciisa la baahin ayaa sheegay inay guriga aroor hore u soo gar garaaceen ilaa afar ragg oo labo ka mid ah ay hubeysneyd, kuwana ay wateen Buug ay ku diiwaan gelinayeen.

"Saaka subixii ayaa gurigeyga ley soo gar garaacay, markaan furay waxaa arkay afar nin oo labo ay hub wadatay, labana ay caadi aheyd, waa naxay, midka aan qoriga wadan ayaa i weydiiyay Guriga dhalo ma kuu taalaa, Haa ayaa dhahay, wuxuu kaloo i dhahay maxaa ku fiirsataa, Saxan miyaa kuu saaran haa ayaa dhahay, kadib magaceyga ayay qorteen, Taleefanka Guriga, gurigeygana waa iga calaamadeeyeen"ayuu yiri qofkaas diiday magaciisa in la shaaciyo isagoo intaa ku daray in aanu garaneyn sababta ka dambeysa diiwaan-gelinta iyo ujeedka laga leeyahay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in howlaha diiwaan-gelinta ee ka socota Xaafadaha ay maalin ka hor ka soo bilaabatay Xaafada Hantiwadaag, iyadoo dadka ay si weyn isula dhex marayeen ujeedada ka dambeysa arrintan iyo waxa looga gol leeyahay.

Laakiin dadka qaar ayaa sheegaya in arrintan ay la xiriirto arrimo kala duwan oo ay ugu weyn tahay daawashada Telefishinada Afka Soomaalida ku hadla ee ku soo biiray Kanaalada la daawado, waxaana dadka badankiis ay tilmaamayeen inay jirto cabsi ah in Shabaabka ay mamnuucaan in la daawado Telefishinada qaar, gaar ahaa Telefishinka Dowladda ee maalmahan laga sii deynayay dagaalada ay ku qabsadeen deegaanada ku yaal Muqdisho.

Arrintan ayaa ah mid dhibaato kale oo caburin cusub ay Shabaabka shacabka ku bilaabeen, mar hadii ay la soo baxeen ficilo ay dadka guryahooda kula maamulayaan, iyadoo mamnuuc ay tahay in qofka gurigiisa lagu caburiyo ama la galo fasax la'aan, iyadoo aan Diinta qabin.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...