Friday 10 June 2011

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna oo ku dhiirageliyay shacabka inay sii wadaan taageerada ay la garab taagan yihiin Ciidamada qalabka sida

Golaha sare Culumaa'udiinka Ahlusuna Wal-Jameeca ayaa soo dhoweeyay taageerada muuqata ee hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyed ciidamada qalabka sida, iyagoo ku booriyay inay is garab taagaan mar walba si ay dalka uga xoreeyaan kooxaha ku soo duulay.

Bayaan ka soo baxay Culimada maanta oo jimco ah ayaa lagu taageeray geesinimada shacabka ee ku aadan howl galada ay wadaan ciidamada qalabka sida iyo sida ay u bar bar taagan yihiin, waxaana Culimada ay xuseen in markii u horeysay muddo labaatan sano ay shacabka bilaabeen inay fadhiga kacaan.

Culimada ayaa sheegay in tallaabada shacabka qaadeen ay horseed u tahay kacdoon shacab oo ay isaga dulqaadayaan dhibaatada ay ku hayaan kooxaha nabad diidka, waxaana ay soo dhoweeyeen geesinimada iyo howl karnimada ay muujinayaan Ciidamada qalabka sida.

"Shacabka soomaaliyed wuxuu in muddo ah ku jiray dhibaato joogto ah, oo saameyn dhan walba ah leh, sidaas darteed waxaan shacabka ku boorineynaa inay u istaagaan sidii qaranimadooda ay u soo ceshan lahaayeen, una bar bar istaagi lahaayeen Ciidamada qalabka Sida"ayaa lagu yiri bayaanka Culimada.

Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay sida shacabka diyaarka ugu yihiin in ciidamada qalabka sida ay biyaha iyo caanaha ugu sidaan, waxaana Culimada sheegeen in dadaalkaas uu yahay mid Ajir badan ay ku kasbanayaan, dagaalka ay ku jiraana Ciidamada uu yahay mid xaq ah.

Bayaanka ayaa loogu duceeyay qeybaha bulshada ee taageerada lixaadka leh siineysa Ciidamada qalabka sida, gaar ahaan deeqihii xoolaha nool ee ay gaarsiiyeen furimaha dagaalka ee ciidamada xooga dalka, waxaana ay u rajeeyeen in Alle uu ugu bedelo Ajir badan, sadaqo Maalinta qiyaamaha miisaanka u korto Alle ugu dhigo.

Golaha Sare Culumaa'udiinka Ahlusuna ayaa mar kale soo dhoweeyay guulaha is-daba jooga ee ciidamada qalabka sida ay gaarayaan, iyagoo tilmaamay in guulahaa ka dhigo mid la xajiyo, cadawgana lagu dhabar jabiyo.

Ugu dambeyn Culimada ayaa ugu baaqay shacabka inay la mid noqdaan sida shucuubta carbeed ee ay u sameeyeen kacdoonada is-bedelka ah, waxaana bayaanka lagu soo gaba gabeeyay in qarnigan uu yahay qarnigii shacabka uu u kacay in qaranimadii, sharafkii Soomaaliyed ay dib u soo celiyaan.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...