Friday 10 June 2011

Qaar ka mid ah Waxgarad iyo Culumaa'udiinka oo ugu baaqay shacabka inay sii wadaan banaan baxyada kacdoonka

Qaar ka mid ah Waxgaradka Soomaaliyed iyo Culumaa'udiinka ayaa ku baaqay in la sii wado banaan baxyada kacdoonka oo shacabka ay kaga soo horjeedaan go'aanadii ka soo baxay shirkii ka dhacay Magaalada Kampala.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada sida weyn looga yaqaano dalka ayaa ugu baaqay shacabka inay ka dhiidhiyaan, ayna sameeyaan kacdoono ballaaran oo ay uga soo horjeedaan shirkii shir qoolka ahaa.

"Maanta hadii uu Farmaajo Rajadii iftiinka Soomaaliyed soo celiyay hadii taas la rabo in mugdi la geliyo waa in shacabka ay ka dhiidhiyaan, sida shucuubta Carbeed ay u kaceen u kacaan"ayuu yiri Sheekh Nuur Baarud Gurxan oo ku sugan Magaalada Nairobi.

Sidoo kale Sheekha ayaa sheegay in Shariif uu u hayay qadarin, isla markaana uu in muddo ah mashruuciisa taageersanaa, hase ahaatee waxaa uu kaga digay inuu ku dhaco damin isticmaar sida uu hadalka u dhigay.

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah Hogaanka Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa sheegay in aanay aqbaleyn waxa ka soo baxay Kampala, isagoo ku eedeeyay Beesha Caalamka inay ka soo horjeedaan nabada soo iftiintay iyo dadaalada wax tarka leh ee ay Xukuumada la timid.

"Ma aqbaleyno waxa ka soo baxay Kampala, hadii Caalamka rabo in Madaxweyne iyaga ka amar qaata ama dad iyaga taladooda yeela ay keenaan, taas uma suura galeyso, shacabkana waa banaan baxayaa"ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in Caalamka uu tix geliyo shacabka warkiisa.

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqay shacabka inay kacaan oo ay dhigaan banaan baxyo ballaaran, ilaa laga laabto go'aanadaas guracan sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba ha ahaatee hadalada ka soo yeeraya Culumaa'udiinka iyo waxgaradka ayaa ah mid sare u qaadaya niyada shacabka Soomaaliyed, isla markaana ku baraarujinaya inay ka dhiidhiyaan go'aanada aan lagu farxin ee shirkii Kampala ka soo baxay.

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...