Saturday 18 June 2011

Shariif Xasan oo Weli Iman La’ Muqdisho Xilli Gacan Yarihiisii uu u Baxsaday Nairobi (Warbixin)


Muqdisho (RBC) GUdoomiyaha barlamaanka KMG Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa weli aan soo gaarin magaalada Muqdisho xilli toddobaad laga joogo waqtigii uu soo dhamaaday hsehiiskii ay magaalada Kampala ee caasimada Uganda ku saxiixeen isaga iyo saaxiibkii Madaxweyne Shariif.
Shariif Xasan ayaa beryahan laga sheegayey magaalada Addisaba ee wadanka Ethiopia kadib markii uu usbuucii hore ku soo dhiiran waayey inuu yimaado Muqdisho oo weli ay ka hurayaan kacdoonada dadweyne ee lagu diidan yahay heshiiska Kampala, Waxaana Shariif Xasan uu sheeda ka eegayaa sida ay xaalada noqoto.
Qaar ka mid saaxiibada ku dhow Shariif Xasan oo Muqdisho ku sugan ayaa RBC Radio u sheegay inaan la ogeyn in uu weli ku sugan yahay Addisababa iyo inuu meel kale u kuctimay, waxayna saaxiibada Shariif Xasan ka walaacsan yihiin khatarka iyo ciriiriga soo foosaaray siyaasadiisa gudaha mar haddii dadweynihii ay muujiyeen dareenka carada leh ee ay u hayaan heshiiska Kamapala oo uu muhandis (farsamayaan) ka yahay Shariif Xasan.
Maalintii shalay ee Jimcaha ayaa waxaa soo baxay warar sheegayey in Shariif Xasan uu imaanayo Muqdisho, balse taasi ma dhicin waxaana xubno xildhibaano ah ay noo sheegeen inaysan ogeyn sababaha uu Shariif Xasan u iman la’ yahay magaalada iyo halka uu hadda ku sugan yahay.
Dhanka kale waxaa labo maalin ka hor magaalada Muqdisho si halhaleel diyaarad uga raacay Xildhibaan Cumar Islow oo ahaa gacan yarihii Shariif Xasan ahaana xogheynta barlamaanka.
Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa RBC Radio u sheegay in Cumar Islow oo ku sugnaa guriga Shariif Xasan ee Muqdisho uu si qarsoodi ah diyaarad uga raacay garoonka ka dib markii amnigiisa uu u baqay loona sheegay in ay suurtagal tahay in shacabka boqolaalka ee careysan ay guriga ugu soo gali karaan.
Waxaa xusid mudan in Jimcihii 10ka June, oo ahayd maalin ka dib saxiixii heshiiska Kampala in dadweyne careysan ay ku sigteen inay gacanta ku dhigaan Cumar Islow xilligaasi oo uu ka qeybgalayey barnaamij toos ah oo ka baxayey idaacadda Radio Muqdisho ka dib markii dadweynihii ay hor dhoobteen idaacadda ayna weydiisteen in Cumar Islow loo soo saaro, waxayna markii dambe arintaasi dhalisay in idaacadda ay hakiso barnaamijka iyadoo ciidanka nabadsugida ay si qarsoodi ah ugu kexeeyeen Cumar Islow gurigiisa.
Dad si hoose u yaqaana labada nin ayaa RBC Radio u sheegay in Cumar uu go’aansaday inuu iska joogo Nairobi oo uga amaan roon Muqdisho maadaama uu dhibane u noqday shirqool uu soo maleegay saaxiibkii oo hadda u muuqda in siyaasad ahaan ay soo wajahday xaalad adag.
RBC Radio

No comments:

Why cows may be hiding something but AI can spot it

  By Chris Baraniuk Technology of Business reporter Published 22 hours ago Share IMAGE SOURCE, GETTY IMAGES Image caption, Herd animals like...